Home » Horyaalada » Bundesliga » “Bayern Munich Ayaa Xiiseyneysa Sergio Ramos Waa War Xan Ah” Sidaa Waxaa Yiri Matthias Sammer

“Bayern Munich Ayaa Xiiseyneysa Sergio Ramos Waa War Xan Ah” Sidaa Waxaa Yiri Matthias Sammer


Ramos and Isco

 

Maareeyaha ciyaaraha kooxda Bayern Munich Matthias Sammer ayaa beeniyay wararka kooxdiisa la xiriirinaya daafaca Real Madrid Sergio Ramos.

Warar ka imaanayay dalka Spain ayaa dhawaan sheegay in kooxda Bayern Munich ay dooneyso 28-jirka reer Spain ee daafaca dhexe kaga ciyaara kooxda Real Madrid, xitaa hadii ay 26 Malyan Oo Euro bishii August kusoo iibsatay daafaca reer Morocco Mehdi Benatia.

Si Kastaba Sammer ayaa inkiray iney xiiseyneyso xidigaan reer Spain, isagoo sheegay in wararkaas oo dhan ay yahiin kuwo xan ah isla markaana kooxda aysan dooneyn saxiixa Ramos.

Bayern haatan waxaa soo weerartay daafac yari madam ay ka dhaawacmeen Javi Martines iyo David Alaba, balse sidaas oo ay tahay Sammer ayaa ku adkeysanaya iney wali heystaan ciyaartoy ku filan.

“Ramos wuxuu heshiis dheer kula jiraa koox uu jecel yahay” ayuu Sky Sports u sheegay Sammer.

Dhanka kale Sammer ayaa ka hadlay dhaawac xidiga reer Austria David Alaba kaas oo xanuun uu soo wajahay kulankii ay kooxdiisa guusha ka gaartay Roma isbuucii lasoo dhaafay kulan ka tirsan Champions League-ga.

“Alaba isbitaalka ayaa laga soo saaray sabtidii waxaana loo xiray shakaal, kaas oo ku xirnaan doonaa ilaa 14-ka maalin ee soo aadan”

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>