Home » Horyaalada » La liga » Barcelona & Sadex Koox Oo Ka Dhisan Ingiriisa Ayaa Ku Dgaaalamaya Saxiixa Gonzalo Higuain

Barcelona & Sadex Koox Oo Ka Dhisan Ingiriisa Ayaa Ku Dgaaalamaya Saxiixa Gonzalo Higuain


Higuain

Kooxaha Manchester United, Arsenal & Chelsea ayaa dhamaantood xiriir la sameeyay wakiilka weeraryahanka reer Argentina Gonzalo Higuain inkastoo dalabka kooxaha sadexda ah ee reer Ingiriis uu ka horeeyay mid ay gudbisay Barcelona kadib markii Higuain qudhiisa uu muujiyay inuu doonayo ka hayaamida horyaalka talyaaniga.

26-jirkii hore kooxda Real Madrid ayaa hal sano oo farxadeed kusoo qaatay kooxda Napoli isagoo ka caawiyay iney ku guuleysato Coppa Italia sidoo kalana ay kaalinta sadexaad ka gasho horyaalka Talyaaniga.

Higuain ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in lala xiriiriyo kooxda Camp Nou ku ciyaarta wuxuuna ka mid yahay liiska macalin Luis Enrique uu doonayo inuu ku dagaal galo xili ciyaareed 2014/2015.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa xaqijiyay inuu xushmad u hayo Higuain isla markaana uu damacsan yahay inuu Emirates keeno wallow kooxda waqooyiga London ka dhisan si ba’an u doontay xidigaan markii uu Real Madrid ku sugnaa.

Sidoo kale Chelsea iyo Man United ayaa si hoos ugu jira loolankaan kuwas oo iyagana dhibaato dhanka weerarka ah tabanaya.

Ugu dambeyntii madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ah shaqsi ad-adag kaas oo aan jecleen inuu iibiyo xidigahiisa muhiimka ah.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close