Home » Maxaa Cusub » Barcelona Oo Xaqiijisay Caafimaad Qabka Neymar Ee Kulanka Colombia

Barcelona Oo Xaqiijisay Caafimaad Qabka Neymar Ee Kulanka Colombia


Neymar

Barcelona ayaa website-keeda ay gaarka u leedahay ku shaacisay war qoraal ah oo ay ku xaqiijineyso soo kabsashada weeraryahankooda reer Brazil Neymar JR kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii wareega 16-ka ay ku reebeen rigooroyinka xulka Chile.

Neymar ayaa la filayay inuu dhaawac ku seego kulanka Colombia ee wareega Quater Finalka balse Barcelona ayaa xaqiijisay in xidigeeda uu diyaar u yahay inuu wajaho Colombia.

Brazil ayaa jimcada la ciyaari doonta Colombia Quater Finalka, sidoo kale Barca ayaa shaacisay in Neymar uu si toos ah ugu soo laabtay xerada tababarka Granja Comary halkaas oo ay xidigaha reer Brazil isugu diyaarinayaan kulankaas.

“Waan soo kabsaday diyaar ayaana ahay” Barcelona ayaa kasoo xigatay Neymar JR ka hor tababarka.

Ready

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close