Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Ka Hari La’ Saxiixa Luis Suarez Xili Wakiilkiisa Uu U Duulayo Maanta Magaalada Barcelona

Barcelona Oo Ka Hari La’ Saxiixa Luis Suarez Xili Wakiilkiisa Uu U Duulayo Maanta Magaalada Barcelona


article-2671508-1F295F0A00000578-507_634x392

Tan iyo markii Shalay la ganaaxay Suarez waxaa la is weydiinayey meesha ay ku dambeyn doonaan dalabyadii uu ka helayey Real Iyo Barcelona Maadaama ganaaxiisa uu yahay mid aad u dheer.

Haddaba kooxda Barcelona ayaa weli ku adkeysaneyso inay qaadan doonto Suarez iyo Ganaaxiisa, sidaas darteed waxaa maanta gelinka dambe lagu wadaa inuu  Barcelona U Duulo Qareenka Suarez  sida ay xaqiijinayaa wararka laga helayo Spain.

Raadiyaha Spain (Cadena Cope) ayaa baahiyey in qareenka Suarez Alejandro Balbi uu Maanta kulan kula yeelan doono Magaalada Barcelona madax ka socoto Liverpool, iyadoo laga wada hadli doono dalabka ay Barcelona usoo dirtay xidigaan xambaari la’ ganaax adag ee dusha laga saaray.

Suarez ayaa la ganaaxay 4 Bil inuusan sameyn karin wax dhaqaaq  Sports haddii ay ahaan laheyd: Macalinimo, Tababar, Cayaar, sidoo kalana waxaa la ganaaxay 9 Kulan oo Heer Caalami iyo Lacag.

Haddaba waxaa laga war sugayaa kulanka maanta ka dhici doono Magaalada Barceloni iyo natiijada kasoo bixi doonto, inkastoo qabiirada Sports-ka ay sheegayaan in Suarez uusan sii joogi doonin Dalka England.


Close