Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Wali Ku Raad Joogta David Luiz Soona Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso

Barcelona Oo Wali Ku Raad Joogta David Luiz Soona Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso


David Luiz

Kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa wali wada qorshe ay ku dooneyso daafaca xulka Brazil iyo Kooxda Chelsea David Luiz  kaas oo loo badinayo inuu ka dhaqaaqi doono Chelsea marka uu dhamaado xagaagan sida ay shaacisay SPORT.

Inkatoo kooxda Barcelona ay ganaax kala kulantay FIFA hadana racfaan ayey ka qaateen iyagoo sugi doona jawaabta ugu dambeysa horaanta bisha May ayey ku rajo weyn yihiin in laga aqbali doono racfaankooda taas ayaana ku dhiirigalisay iney soo bandhigaan lacagaha ay ku doonayaan David Luiz.

€35 Million ayey u quuri doonaan 26-jirkaan kursiga keydka dariska la noqday wuxuuna xili ciyaareedkaan kusoo bilawday 15-kulan kaliya 35-kulan oo ay kooxda ciyaartay Premier League.

Wadadii Juan Mata ayuu ku raad joogaa madama uusan ku jirin qorshaha Mourinho waxaana macalinkaan reer Portugal caado u ah inuu iska fasaxo xidigii aan ka mid aheyn qorshihiisa si kooxda lacago u hesho.

Hadii Barcelona laga aqbalo racfaanka ay ka qaateen ganaaxa FIFA, David Luiz ayaa ku dhawaanaya inuu ku biiro Barcelona oo ay dhibaato dhanka daafaca heysato.

David Luiz ayaana badali doona Charles Puyol.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close