Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Wadadii Guusha Kusoo Laabatay Iyadoo Kaalinta Labaad Kumeel Gaar Ku Ah

Barcelona Oo Wadadii Guusha Kusoo Laabatay Iyadoo Kaalinta Labaad Kumeel Gaar Ku Ah


1398026489335_lc_galleryImage_Barcelona_s_Argentinian_f

 

Barcelona ayaa guul gaartay sadex kulan oo guuldaro ay kasoo gaartay sadex tartan oo kala duwan balse kulankeedii caawa ee Camp Nou ayey guul gaartay iyadoo 2-1 ku suldaartay kooxda Athletico Bilboa.

Lionel Messi ayaa shabaqa soo taabtay kaas oo dhaliyay goolkiisii 26-aad ee horyaalka waxaase bandhiga goolasha daah furay Aritz Aduriz  oo ka tirsan Athetlico Bilboa daqiiqadii 49-aad ee qeybtii dambe isagoo hogaanka u dhiibay Bilboa.

Barcelona oo la yaaban halka laga heysto ayaa u mahad celineysa Pedro Rodriguez kaas oo barbardhaca u keenay kooxda ka dhisan gobolka Catalonia daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.

Sadex daqiiqo kadib Lionel Messi ayaa guul u sahlay Barcelona isagoo sadexda dhibcood farta ka saray markii uu dhaliyay goolka jooga ka riday Bilboa.

Barcelona ayaa haatan joogta booska labaad ee La Liga iyadoo leh 81-dhibcood waxeyna laba dhibcood ka sareysaa Real Madrid oo kulan u baaqsan yahay.

Atletico Madrid ayaana hogaanka u heysa La Liga iyadoo leh 85-dhibcood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close