Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Soo Bandhigtay Numberka Uu Xiran Doono Douglas Pereira

Barcelona Oo Soo Bandhigtay Numberka Uu Xiran Doono Douglas Pereira


Douglas

Barcelona ayaa lasoo saxiixatay daafaca midig ee xulka Brazil Douglas Pereira, kaas oo Camp Nou ku yimid 4 Malyan oo Euro oo ay raacsiisan tahay 1.5 Malyan Oo Euro oo ku xiran kulamada uu kooxda u ciyaaro.

Douglas Pereira ayaa xiran doona numberka 16-aad oo lagu yaqaanay Sergio Busquets oo isna u guuray numberkii halyeyga Barcelona Charles Puyol.

Douglas Pereira ayaa qiray inuu aad ugu faraxsan yahay kusoo biiritaanka kooxda Barcelona, isagoo u arka riyo u rumowday inuu mar uun kasoo muuqdo garoonka Camp Nou.

Sidoo kale Douglas wuxuu intaas ku daray inuu sugi la’yahay inuu safto kulankiisa ugu horeeya kooxda inkastoo uu maanka ku hayo in Dani Alves uu taagan yahay booskiisa

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close