Hogaanka Camp Nou waxaa la wareegay macalin Luis Enrique oo doonayo inuu isbadal xoogan ku sameeyo Barcelona sidaa darteed tababarahan dhalinta yar ayaa la kulmay maamulka sare ee kooxdan wuxuuna u bandhigay liis ay ku qoran yihiin 6-cayaaryahan oo tayo wanaagsan kuwaas oo uu doonayo in xagaagan kooxdiisa lagu soo kordhiyo, inkastoo maamulka Barcelona ay doonayaan marka hore inay iibiyaan qaar ka mid ah xidigahooda ka hor inta aysan balan qaadka macalin Luis Enrique oofinin hadana wargeska Mundo Deportivo oo aad ugu dhow kooxdan ayaa helay xogtaan waxayna kala yihiin xidigaha Barcelona u calaameesan:
Goolhaye: Claudio Bravo (Real Sociedad)
Daafaca: Marquinhos (PSG), Jeremy Mathieu (Valencia),
Khadka dhexe: Koke (Atletico Madrid), Juan Cuadrado (Fiorentina)
Weerarka: Sergio Aguero (Man City)