Kooxda Barcelona dhawaan waxay ku guul dareesatay saxiixa David Luiz oo si rasmi ah ugu biiray naadiga PSG sidoo kalena kooxdan waxay kooxdan quus ka taagan tahay soo xero galinta Mats Hummels oo ka tirsan naadiga Dortmund taasi waxay ku qasabtay in maamulka Barcelona ay arinkan kulan ka qaataan sidoo kalena waxay madaxda kooxdna isku raaceen in ahmiyada la siiyo sidii daafacyo tayo wanaagsan kooxdan lagu keeni lahaa waayo kabtan Carlos Puyol kooxdan wuu macsalaameeyay dhamaadkii xili cayaareedkii aan kasoo gudubnay.
Sidaa darteed wargeska Mundo deportivo oo aad ugu dhow kooxdan ayaa shaaca ka qaaday in labo daafac ay kooxda Barcelona lasoo saxiixan doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.
Daafaca ugu horeeyo oo ay Barcelona lasoo saxiixan doonto ayaa lagu sheegay inuu yahay Jérémy Mathieu kaasi oo ka tirsan kooxda Valencia waxayna kusoo iibsan rabtaa €15m xidigan u dhashay dalka France ayaa hormar weyn sameeyay labadii sano ee ugu dambeesay wuxuuna diyaar u yahay inuu ka faa’iideesto dalabka kooxda Barcelona, wararka ayaa intaas ku daraayo in Barcelona ay heshiis la gaari rabto daafaca dhalinta yar ee reer Brazil Marquinhos madaama Barcelona ay ogolaatay inay dhigeeda PSG ku wareejiso €45m sidoo kalena Dani Alves ayaa dhankiisa Barcelona ka tagi doono asigoo ku biiri doono kooxda Paris.
Ugu dambeyntii wargeska AS ayaa sheegay in Barcelona ay la xariirtay daafaca xulk Argentina iyo naadiga Benfica Ezequiel Garay waxaana xidigan lagu qiimeeyaa €17m.
zeki tulux
June 17, 2014 at 4:40 PM
woooooooow waaa wr aaan sugayey in badn inaa ka mqlo brcelona sax sax sax meshan wxn ka helaa wrar aad u xiiso bdn