Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah iney dagaal xoogan la gasho Manchester United iyadoo kula dagaalameysa daafaca Borrusia Dortmund Mats Hummels.
Kooxda Shayaadiinta Cas-Cas ee ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinayay saxiixa daafacaan rug cadaaga ah kaas oo ay ku qiimeysay 20 Malyan Oo Pound.
Macalinka Cusub ee Manchester United Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu isbadal weyn ku sameeyo daafaca dambe ee kooxda madama ay isaga tageen kooxda Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidic kuwaas oo waqti lasoo qaatay kooxda United.
Si Kastaba The Express ayaa shaacisay in Barcelona ay kusoo biirtay tartanka loogu jiro Hummels iyadoo raadineysa badalka Charles Puyol oo isaga fariistay kubada cagta.
25-jirkaan reer Jarmal ee xulkiisa u saftay 34-kulan ka hor kulanka caawa ay la ciyaari doonaan Brazil Semi Finalka Koobka Aduunka ayaan qudhiisa go’aan ka qaadan mustaqbalkiisa.
Ugu dambeyntii kooxaha Barcelona iyo Manchester United ayaa si ba’an ugu dagaalami doona saxiixa xidigaan heerka caalami waxaana mustaqbalkiisa lakala ogaan doonaa kadib koobka Aduunka.
Profile