Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Ku Guuleesatay Saxiixa Kabtanka Naadiga Sevilla Ivan Rakitic!

Barcelona Oo Ku Guuleesatay Saxiixa Kabtanka Naadiga Sevilla Ivan Rakitic!


Rakitic

Dadaal badan kadib kooxda Barcelona ayaa saxiixa kubad sameeyaha naadiga Sevilla Ivan Rakitic kaga guuleesatay kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid waxaana la sheegay xidigan tayada wanaagsan inuu xili cayaareedka dambe garoonka Camp Nou kasoo muuqan doono wuxuuna buuxin doonaa booska Cesc Fabregas, wararka ka imaanayo magaalada Catalunya ayaa sheegayo in kooxda Barcelona ay dhigeeda Sevilla ku wareejisay €20 million sido kalena kooxda Sevilla ayaa dalabkan aqbashay madaama ay dareensan tahay in kabtankeed uusan lasii joogi doonin sidoo kale Rakitic ayaa ogolaaday inuu heshiis 5-sano ah Barcelona u saxiixo waxaana dhameestirka heshiiskan ka dhiman kaliya inuu tijaabo caafimaad ku guuleesto.

27-jirkan wuxuu sabab u ahaa inay Sevilla ku guuleesato tartanka Europa League xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuuna haatan ku faraxsan yahay inuu sameeyay hormar la taaban karo madaama uu ku biiray kooxda Barcelo, wararka ayaa intaas ku daraayo in xiriirka kubada cagta dalka Croatia ay dhankood xaqiijiyeen inuu xidigan Barcelona heshiis la gaaray haatana uu koobka aduunka ka qayb qaadan doono asigoo mustaqbalkiisa cayaareed la xaliyay, Ivan Rakitic oo horey ugu cayaari jiray kooxda Schalke ayaa xili cayaareedkan ka mid noqda 11-xidig ee ugu wanaagsanaa La Ligaha sida darteed waxaa hubaal ah inuu wax weyn kusoo kordhin doono kooxda Barcelona oo baahi weyn u qabto xidig isku xiri karo weerarka iyo khadka dhexe.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close