Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Iibineysa Lionel Messi & Badalkiisa Oo Ay Heshay

Barcelona Oo Iibineysa Lionel Messi & Badalkiisa Oo Ay Heshay


Real Madrid CF v FC Barcelona - La Liga

Lionel Messi dhawaan ayuu Barcelona heshiis cusub u saixiixay sidoo kalena maamulka kooxdan waxay ka dhigeen cayaaryahanka aduunka ugu mushaarka badan balse laacibkan wuxuu ka carooday dhaliisha iyo aflagaadada joogtada ah oo ay ku hayaan qaar ka mid ah taageerayaasha kooxdan faca weyn wuxuuna dalbaday in la iska fasaxo hadii aanan taageerayaashiisa sharfin guulihii uu kooxdan u horseeday.

Sidaa darteed waxaa la sadaalinaa in xagaagan maamulka kooxdan ay iibin doonaan cayaaryahanka 4-jeer ku guuleesatay laacibka aduunka ugu wanaagsan waxayna u badan tahay inay malaayiin lacago ah kaga iibsadaan kooxda PSG oo hilow dheeri ah Messi u qabto.

Hadaba wakiilka caanka ah ee FIFA la shaqeeyo Francis Gallardo ayaa sheeko qarsoodi ah daaha ka rogay wuxuuna sheegay in Barcelona ay Messi iibsan doonto xagaagan sidoo kalena booskiisa ay lasoo saxiixan doonto Sergio Aguero wuxuuna yiri “waan huba Aguero inuu Man City isaga tagi doono waxaana isoo gaartay xog sheegeyso inuu Barcelona kusii jeedo si uu booska Messi u buuxiyo”

sidoo kale Mr. Francis Gallardo ayaa sadaalinaayo inuu Messi noqon doono cayaaryahanka aduunka ugu qaalisan madaama PSG ay xidigan ku dooneyso £200million waana qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo. waxaa naga xasuusin ah in Sergio Aguero ay sidoo kale kooxda Real Madrid ku raad joogto waxayna saxaafada aduunka hadal heysaa in weeraryahanka reer Argentina uusan Man City baaqi kusii ahaan doonin.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close