Kooxda Barcelona ayaa sheegtay in todobaadyada nagu soo fool leh ay si rasmi ah iibin doonto kubad sameeye Cesc Fabregas madaama ay badalkiisa heshay waxayna kooxdan ku cayaarto garoonka Camp Nou lasoo saxiixan doontaa xidiga khadka dhexe uga cayaaro naadiga Athletico Bilbao Ander Herrera kaasi oo kusoo baxay laacib la isku haleen.
Xidigan dhalinta yar ayaa dalabka Barcelona soo dhaweeyay wuxuuna ka warsugaa inuu ogolaanshi rasmi ah kooxdiisa ka helo ka hor inta uusan Camp Nou u dhaqaaqin, wararka ayaa intaas ku daraayo in Barcelona ay kusoo iibsan doonto Herrera €36m waana qiimaha ay horey Athletico xidigan u dul dhigtay.
23-jirkan ayaa hormar weyn sameeyay sanidihii ugu dambeeyay wuxuuna xili cayaareedkii hore ku sigtay inuu ku biiro naadiga Mn United uma suura galin balse xagaagan ayuu Herrera ka mid noqon doona xidigaha ay Barcelona lasoo shirtagi doono xili cayaareedk dambe.
Wargeska Mundo Deportivo oo inta badan ku hadlo afka kooxda Barcelona ayaa sheegay in kooxdan ay Cesc Fabregas ka iibin doonto naadigii la timaado €45m waxaana ilaa haatan lala xariirinaa kooxaha Arsenal, Man United iyo Man City balse weli ma jirto naadi si rasmi ah dalabk ku aadan Cesc u gudbisay kooxda Barcelona.