waxaa soo idlaaday Kulan xiiso badnaa oo dhex maray Kooxaha Barcelona Iyo Sevilla wuxuuna kusoo dhamaaday 3-2 oo ay guusha ku raacday Barcelona.
Kulanka oo ku bilowday Dardar Isla markaasna Ay Barcelona iska baashaaleysay iyadoo soo bandhigtay Baaskii lagu yaqiinay ayaa daqiiqadii 36 waxaa u suurtagashay inay Hesho Goolkii ugu horeeyey oo uu u saxiixay Laacibka Reer Brazil Daniel Alves.
Goolkaas kadib Kooxda Sevilla ayaa isku dayday inay soo taabato shabaqa Barcelona iyadoo soo qaaday weeraro is xigxiga laakiin uma aysan suurta gelina waxaana mar labaad Shabaqa gool ku hubsaday Laacibka Adduunka Lionel Messi daqiiqadii 75 ee qeybtii dambe cayaarta.
Sevilla oo aan quusan ayaa waxay haddana soo qaadeen weerar sida daadka oo kale ah waxayna heleen daqiiqadii 80-aad goolka agoonka waxaana lugtiisa ku dhaliyey Ivan Rakitic.
Kooxda Sevilla ayaa ka nixisay Barcelona kadib markii daqiiqadii 90 ay heshay Goolka Barbardhaca iyadoo la isl lahaa kulankaan sidaan ayuu kusoo dhamaaday ayaa daqiiqdihii dheeriga ahaa ee cayaarta lagu daray waxaa guusha Barcelona gacanta u geliyey Laacibkooda A. Sánchez waxayna kusoo idlaatay 3-2 oo ay Barcelona ku badisay.
Haddii kulankaan barbardha uu ku djhama