Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro

Barcelona Oo Dhameystiraysa Saxiixa Luis Suarez 48 Saac Ee Soo Socota Iyo Fifa Oo Oglaatay Inuu Caafimad U Maro


On the move: Barcelona hope to wrap up a deal for Luis Suarez from Liverpool this week

Kooxda Reer Spain ee Barcelona ayaa rajo fiican ka qabto in ay dhameystriaan lasoo saxiixitaanka xidig kooxda Liverpool ee ganaaxa adag la dul dhigay Luiz Suarez 48 saac ee soo socota iyadoo labada naadi ay isku af garteen in Barcelona ay bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska ciyaaryahanka uu kula jiro kooxda Reds oo ah £80million.

Gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee (FIFA) ayaa ogalaadey in Suarez uu caafimaadka u mari karo naadigii uu doono in uu ku biiro taas oo aa wax u dhibeyn ganaaxa 4 bilood ee garka loo galiyey taas oo soo dedejineysa in naadiga ka dhisan Catalonya uu soo gabo gabeeyo heshiiska laacibkan 48 saac ee inagu soo fooda leh.

Kooxda Blaugrana ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay kooxda ku soo biirayaan dhiig cusub iyadoo kooxdu ay ku fashilantey xilli ciyaareedkii dhamaadey in ay ku guuleystaan wax koob ah taas oo madaxda kooxda ka dhigtey in gacanta geliyaan jeebkooda si ay u dejiyaan jamaahiirta naadiga oo aan ku qancin qaab ciyaareedkii kooxda xilli ciyaareedkii tagey.

Suarez ayaa waxa uu noqon doonaa hadii uu dhameystiro u wareegidiisa naadiga Barcelona saxiixooda labaad kadib markii ay horey ula wareegeen laacibka khadka dhexe ee xulka Croatia Ivan Rakitic iyadoo ciyaaryahan Suarez uu daneynayo in uu xirto maaliyada ay caanka ku tahay kooxda Barcelona.

Close