Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Cod U Qaadi Doonta In La Badalo Garoonka Nou Camp.

Barcelona Oo Cod U Qaadi Doonta In La Badalo Garoonka Nou Camp.


nou-campKooxda Barcelona ayaa go’aansan doonta dib u dhis hagaagsan si markale loo cusbooneysiiyo garoonka Camp Nou taas oo ka wanaagsanaan doonta in la hirgaliyo dhismo dhameystiran oo koxda ay ku badasho garoonka ay hadda ku ciyaarto, qorshaha kooxda ayaa la ogaaday markii ay kulan isugu yimaadeen xubanaha sare barcelona hagayaasheeda iyo madaxweynaha kooxda iyadoo ay aragti ka lahaayeen maamulka gobolka catalanska maadaama Barcelona ay wadato magaca magaalada oo xarun u ah gobolka siyaasad ahaaan u bahan inuu ka madax banaanaado dalka Spain intiisa kale.

8TV  telefeshinka lagu magacaabo ayaa baahiyey warbixintan waxaana kooxda barcelona ay hadda doorbideysaa inay xoojiso jiritaanka garoonkeeda waxaana ay ku bixin doontaa dhaqaalo gaaraya qiyaastii €250-€400m  oo u dhiganta (£210-£335m) aragtidan ayaa ka wanaagsanaan doona fikirka ah in barcelona ay mar kale dhisto garoon cusub oo kooxda ku ciyaarto waxaana haddii ay taa timaado barcelona aysan ka badbaadeyn inay lumiso ama ay maal galiso lacag gaareysa  €800m (£670m), taas oo ku bixi doonta dhismaha cusub laakiin ma dhici doonto ayuu wariyaha tv-ga ku sheegay qoraalkiisa.

Qorshaha dhismaha garoonka kooxda kuma jiro in la badiyo kuraasta fadhiyada ,Camp Nou waxaa uu qaadaa qiyaastii fadhi garaya  100,0ib 00 taageerayaal ah laakiin waxaa ujeedka dib u dhiska ku jira in la habeeyo saqafka sare ee garoonka ,hoteelada ama goobaha jiifka, dukaaamada , iyo xafiisyada shaqada lawadaaga garoonka oo u baahan in la badalo si loo balaariyo.

Hadii la meel mariyo qorshahaan oo madaxda kooxda iyo kuwa gobolkuba  isku raacaan waxa loo codeeyn doonaa inuu bilaawdo bisha soo socota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close