Naadiga Barcelona ayaa diyaar u ah inay bisha Janaayo qasnadeeda furto gacanta kusoo dhigto weeraryahanka xulka Argentina iyo kooxda Man City Sergio Aguero, maamulka Barcelona kulankoodii ugu dambeeyay waxay isla soo hadal qaadeen in Aguero bisha Janaayo la keeno sidaa darteed kooxda reer Spain ayaa dhigeeda Man City miiska u saari doonto aduun lacageed oo gaarayo £45m dabcan ma ahan qiimo ay City diidi karto waayo kooxdan 2-sano ka hor iyada ayaa £38 naadiga Atletico Madrid kaga soo iibsatay.
Macalinka reer Argentina Gerardo Tata Martino ayaa taageero weyn u ah xidigan wuxuuna doonayaa inuu bisha Janaayo weerarkiisa ku xoojiyo sidoo kale Lionel Messi oo saaxiib la ah Aguero ayaa qorshahan soo dhaweeyay wuxuuna sheegay inay riyo u rumowday u noqon doonto hadii ay iska garab cayaaraan xidig ay yaraantooda xulalka Argentina heerar kala duwan isla soo mareen, Man City haatan xidigan way ka maarantaa madaama ay heesati weeraryahano booskiisa buuxin karaan sida Alvaro Negredo, Steven Jovetic iyo Eden Dzeko sidaa darteed City diyaar ayay u tahay inay ka faa’iideesato lacagaha ka diyaarka ah Barcelona, Aguero ayaa kooxdiisa u dhaliyay 52-gool asigoo u saftay 98-kulan mudada uu ku sugan yahay garoonka Etihad.