Naadiga Barcelona ayaa xagaagan albaabka ka diri doonto 4-ka mid ah xidigaheeda oo aysan u baahneyn madaama la filaayo in kooxdan ku cayaarto garoonka Camp Nou ay isbadal weyn sameyso sidaa darteed xidigaha kala ah Ibrahim Afellay, Isaac Cuenca, Jonathan Dos Santos iyo Oier Olazabal waxaa loo sheegay inay raadsadaan kooxdii ay mustaqbalkooda cayaareed kasii wadan lahaayeen madaama aan looga bahneyn magaalada Catalunya sidaa darteed 4-laacib ee tayada wanaagsan waxaa xariiro kala duwan lasoo sameeyeen kooxo dhowr ah balse haatan Liverpoop iyo Arsenal ayaa hogaanka u qabteen loolanka loogu jiro saxiixooda.
Arsenal iyada waxay si gaar ah ula xariirtay Ibrahim Afellay oo xulka Holland ka tirsan waxayna doonayaa inay galiso booska Lukas Podolski oo aan la hubin inuu Emirates baaqi kusii ahaan doono, Isaac Cuenca isagana naadiga Liverpool ayaa si toos ah ula soo xariirtay xidigan dhalinta yar garbaha ayuu ka weerar gali karaa sida darteed booska Victor Moses ayay dooneysaa inay Reds galiso haka reebin Dos Santos isagana garoonka Anfield ayaa looga gacan haatinaa balse macalin Brenden Rodgers wuxuu ka cabsi qabaa xidigan waaya aragnimadiisa inkastoo uu 24-jir yahay hadana marnaba kulamo badan Barcelona uma cayaarin.