Madaama siweyn loo hadal haayo in ruug cadaa Xavi Hernandez uu xagaagan garoonka Camp Nou isaga tagi doono sidoo kalena uu soo afjari doono ka mid ahaan shaha kooxda Barcelona waxaa arinkan ka aamusi waayay halyeegii hore ee kooxdan Johan Cruyff kana mid ah ragga ugu saameynta balaaran Camp Nou wuxuuna maamuka kooxdan kula taliyay ineysan arinka Xavi ku fududaanin wuxuuna yiri
“Xavi waa cayaaryahan aad u wanaagsan sidoo kalena Barcelona ay ku tiirsan tahay sidaa darteed doorkiisa waa muhiim waxaana soo jeedin lahaa in ruug cadaagan aanan xagaagan la fasaxin madaama weli uu karti u leeyahay inuu soo bandhigo kubad heer sare ah”
Xavi oo 34-jir ah ayaa ku daalay kooxda Barcelona wuxuuna doonayaa marka uu koobka aduunka soo ildaado inuu dalka Mareekanka u guuro madaama xidigan xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kulamo xasaasi ah kursiga keydka la galiyay sidoo kalena Xavi weli balan qaad rasmi ah kama helin macalinka dhawaan hogaanka Barcelona la wareegay Luis Enrique.
Sidaa darteed kubad sameeyahan inuu isbadal sameyn doono ayaa xagaagan loo badinaa balse waa macquul ah hadalka kasoo yeeray Johan Cruyff oo horey Barcelona macalin ugu ahaan jiray inuu maamulka kooxdan ku qasbo inay Xavi la hadlaan sidoo kalena Camp Nou ruug cadaagan baaqi kusii ahaado ugu yaraan 12-bilood ee nagu soo fool leh.