Home » Africa » Live: Banaadir SC 3 – 2 Gaadiidka: Banaadir Sports Club Oo Hogaanka Si Rasmi Ah U Qabatay

Live: Banaadir SC 3 – 2 Gaadiidka: Banaadir Sports Club Oo Hogaanka Si Rasmi Ah U Qabatay


DSC_0932

Kulan Xiiso Badan Ayaa  Kusoo dhamaaday Garoonka Banaadir Stadium wuxuuna dhexmaray kooxaha Banaadir Sports Club iyo Gaadiidka kuwaas oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee daka Soomaaliya.

Gaadiidka galabta waxaa u ciyaaraya laba xidig oo keenyaati ah kuwaas oo dhawaan kusoo biiray iyadoo ay xusuus mudan tahay in goolhaye Lehman oo ka mid ah xidigaha dhawaan yimid uu yahay galabta kabtanka kooxda.

Dhanka Kale Banaadir Sports Club ayaa tabeysa Mustafa Maxwell kaas oo ganaax kaga yimid xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta ku maqan kadib markii uu dabaal dag qaldan sameeyay kulankii ay barbaraha ciriirga ah la galeen Jeenyo.

Banaadir Sports Club ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta waxeyna gool ka heleen Weeraryayahnkooda reer Kenya Marcel Samsung oo ganaax dib uga soo laabtay daqiiqadii 7-aad ee ciyaara.

C/llaahi Yare oo ah xidiga da’yar oo khadka dhexe uga ciyaara Gadiidka ayaa barbaro u keenay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta wuxuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Qeybtii labaad ayaa la isu soo labtay waxeyna labada kooxood sameeyeen dadaalo dheeri ah balse Banaadir Sports Club ayaa hogaanka mar kale qabatay markii C/risaaq oo khadka dhexe uga ciyaara uu kubad gacanta u saaray mid ka mid ah daafacyada Gaadiidka waxaana rigooradaas gool u badalay Kabtanka Banaadir Daadir Amiin Cali.

Banaadir Sports Club ayaa hogaanka sii dheereysatay kadib markii uu mar labaad shabaqa soo taabtay weeraryahanka reer Kenya Marcel Samsung Otungi waana goolkiisii 6-aad ee xili ciyaareedkaan uu ka dhaliyo horyaalka Nationlink Championship, ciyaarta ayaana noqotay 3-1.

Mar Kale Gadiidka ayaa kusoo dhawaatay Banaadir Sports Club markii C/llaahi yare uu dhaliyay goolkiisii labad ee kooxda kulankaan iyo goolkiisii 6-aad ee horyaalka ciyaarta ayaana noqotay 3-2.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close