Xulka Netherlands ayaa xalay u soo gudbay wareegga 4 Dhamaaadka ee koobka Adduunka kadib markii ay gool ku laad 4-3 ah kaga adkaadeen Wiilasha aan daalin ee Costa Rica.
Macalinka Netherlands Van Gaal ayaa xalay sameeyey badal faa’ido badan uu ku helay kadib markii uu badalay goolhayihiisa koowaad isagoo keenay Tim Krul, wuxuuna badbaadiyey laba rigoore taasoo ugu dambeyntii keentay inay usoo baxaan Afar dhamaadka koobka adduunka waxayna afka is dari doonaa Argentina.
Profile