Home » Maxaa Cusub » Bacary Sagna: “Yaya Toure Waa Kubad Sameeyaha Dunida Ugu Fiican”

Bacary Sagna: “Yaya Toure Waa Kubad Sameeyaha Dunida Ugu Fiican”


Yaya and Sagna

Daafaca reer France ee ku cusub kooxda Manchester City Bacary Sagna ayaa amaanay saaxiibkiisa cusub ee kooxda Yaya Toure isagoo aaminsan inuu yahay kubad abuuraha ugu fiican aduunka waqtigaan.

Mustaqbalka Yaya Toure ee Manchester City ayaa shaki uu ku jiraa kadib markii ay jir xumo dhexmartay maamulka Manchester city iyo xidigooda balse Sagna ayaa rajeynaya inuu waqti kula qaato Etihad Stadium kubad sameeyahaan reer Ivory Coast.

“Aniga ahaan, yaya toure waa kubad sameeyaha ugu wanaagsan dunida” 31-jirkaan ayaa sidaas yiri kaas oo xaqiijiyay inuu Mancheter City u guuray isagoo si xor ah kaga soo tagay Arsenal sida ay warbixinada tilmaameen.

“Waa mid ka mid ah xidigaha ugu waaweyn kubada cagta, wuxuu awoodisa kusoo bandhigay City, waan ku faraxsanahay inaan ka garab ciyaaro, walina waa xidig ka tirsan Manchester City sidaas darteed qof kale uma jeedo”

Intii lagu guda jiray Walaalka Yaya Toure xidiga lagu magacaabo Ibraahim Toure ayaa geeriyooday isagoo yaya ku eedeeyay maamulka City iney u diideen fursad uu ku xanaaneeyo walaalkiis taasna ay hawada sii galin karto mashaqada mustaqbalka ee yaya toure.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close