Home » Maxaa Cusub » Bacary Sagna: Maahan Wax La Qarinaayo Waxaan Idiin Xaqiijinayaa Inaan Arsenal Ka Tagi Donoo!!!

Bacary Sagna: Maahan Wax La Qarinaayo Waxaan Idiin Xaqiijinayaa Inaan Arsenal Ka Tagi Donoo!!!


367033_heroa

Daafaca Dambe ee  Kooxda Arsenal Bacary Sagna ayaa ugu dambeyntii xaqiijiyey inuu isaga tagi doono kooxda Arsenal iyadoo heshiiska uu Kula joogo uu dhamaanayo Xilli Cayaareedkaan.

Xidigaan ayaa horey ugu sheegay Arsenal 12 May inuu isaga tagi doono garoonka Emirates isagoo wadahadal la furay kooxda difaacaneyso Horyaalka England ee Man City.

Goal ayaa ogaatay in Arsenal ay tix gelin gaar ah siineyso xidigaha kooxda Atletico Madrid Juanfran and Toulouse Serge Aurier si ay u buuxiso booska uu baneen doono Sagna.

” Maahan Wax la qarinaayo, waxaan idiin xaqiijinayaa inaan Arsenal ka tagi doono” ayuu u sheegay  L’Equipe.

” Way Igu Daaleen sidii ay dadaal ugu bixin lahaayeen inaan joogo, Laakiin Aniga Waan jiheysanahay”

” Waxaa ii soo dhacaayo Taleefano Badan, Cid Kasta waxay isku dayeysaa inay i Hesho, Laakiin Kooxda aan ku biirayo waxaan si rasmi ah u sheegi doonaa  markii uu dhamaado koobka adduunka”

Daafaca Buuxa Ee Arsenal ayaa laga helay warbixin sheegeysa inuu ku biirayo Manchester City, kadib kulankii Arsenal ay ku qaaday FA Cup-ka.

Sagna ayaa ku qarash gareeyey Emirates 7 Sano, wuxuuna 2007 ka kasoo tagay kooxda Auxerre

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close