Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Zakariye Abdi Mohamed http://hiilkubad.com Sat, 05 Jul 2014 07:57:19 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka? http://hiilkubad.com/muxuu-tababare-didier-deschamps-ka-yiri-guuldaradii-france-kala-kulmeen-xulka-jarmalka/ http://hiilkubad.com/muxuu-tababare-didier-deschamps-ka-yiri-guuldaradii-france-kala-kulmeen-xulka-jarmalka/#comments Fri, 04 Jul 2014 18:59:17 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28257
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka?], All Right Reserved. 2014.
]]>
deschamps-benzema490ai

Macalin Didier Deschamps iyo wiilaha boorsooyinkooda ayay ka qaadan doonaan dalka Brazil kadib markii wareegii 8-aa kulankii ay la cayaareen xulka Jarmalka 1-0 lagu suul daaray macalinkan qabiirka ah ayaa ka hadlay guuldaradan wuxuuna yiri “runtii dadaal badan ayaan sameenay 90-daqiiqo balse waxaa nagula dilay waaya aragnimo sidaa darteed Jarmalka waaya aragnimada ay u leeyihiin heerkan oo kale ayay adeegsadeen halka anaga aan midaas sameyn weynay!”

Didier Deschamps ayaa hadalkiisa sii watay wuxuun yiri “kama shaleynayo guuldarada nagu dhacday waayo xidigaheyga dadaal ayay sameeyeen sidoo kalena fursado aan cayaarta ku bar bareen karnay ayaan helnay laakin nasiib daro wareega 8-aad waan gudbi weenay inkastoo aan rabnay inaan horey usii socono” Macalin Didier Deschamps markii ugu horeesa ayuu guuldaro tartanka koobka aduunka ah la kulmay waayo asigoo cayaaryahan ah sanadii 1998 7-kulan ee uu France kabtan u ahaa markii ay koobka qaadayeen lagama badanin sidoo kalena 4-kulan ee koobka aduunka 2014 ugu horeesay wax guuldaro ah ma arkin asigoo macalin ah balse ugu dambeyntii xidigaha xulka Jarmalka ayaa iskoorkiisa ka jebiyeen inkastoo Didier Deschamps uu kalsooni weyn ka abuurtay shacab weynaha reer France tan iyo markii koobka aduunka uu dalka Brazil ka bilaawday.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/muxuu-tababare-didier-deschamps-ka-yiri-guuldaradii-france-kala-kulmeen-xulka-jarmalka/feed/ 0
Maxay Lahm Iyo Hummels Ka Dhaheen Guushii Jarmalka U Sahashay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan? http://hiilkubad.com/maxay-lahm-iyo-hummels-ka-dhaheen-guushii-jarmalka-sahashay-inay-semi-finalaha-gudbaan/ http://hiilkubad.com/maxay-lahm-iyo-hummels-ka-dhaheen-guushii-jarmalka-sahashay-inay-semi-finalaha-gudbaan/#comments Fri, 04 Jul 2014 18:25:28 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28254
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Maxay Lahm Iyo Hummels Ka Dhaheen Guushii Jarmalka U Sahashay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan?], All Right Reserved. 2014.
]]>
Lahm and Hummels

Kabtanka xulka Jarmalka ayaa durbadiiba saxaafada la hadlay kadib markii xulka Jarmalka 1-0 kaga badiyeen France wareega 8-aad ee koobka aduunka, daafacan waaya araga ah iyo xulkiia haatan waxay taagan yihiin nus dhumaadka koobka aduunka hadaba wareysi gaaban ayuu bixiyay kadib markii ay France ka guuleesteen wuxuuna yiri “waxay ahayd cayaar aad dhib badan madaama cimilada ay kululaayeen balse dadaal weyn ayaa sameenay waxaana inoo suura gashay inaan hadafkeena gaarno”

Sidoo kale Lahm ayaa sheegay in xulka France ay cayaar adag soo bandhigeen wuxuuna yiri “amaan waxaa muda xidigaha France oo kubad adag cayaareen waxaana qiraa inaan wajahnay xul awood badan” Lahm ayaa geeska kale sheegay inay kulankan goolal badan ku badin kareen wuxuuna yiri “inkastoo qaybtii dambe aan difaac cayaarnay hadana waxaan helnay fursado qaali ah oo aan kulankan kaga taqalusi karnay si kastaba ay ahaato waan ku faraxsanahay inaan Semi-finalaha koobka aduunka u gudubnay”

Mats Hummels oo isagana dhaliyay goolkii ay xulka Jarmalka kusoo baxeen ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna yiri “farxad gaar ayay ii tahay goolkii aaan kusoo baxnay inaan dhaliyo sidoo kalena waan ku faraxsanahay inaan kubad adag cayaarnay” Hummels oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “waa muhiim daafaceena inuu xasilooni helo sida darteed inaan ka garab cayaaro Boateng waxay ii sahashay daafaceena inuu adkaado sidoo kalena France oo xul awood badan ayaan gool u diidnay”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Maxay Lahm Iyo Hummels Ka Dhaheen Guushii Jarmalka U Sahashay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/maxay-lahm-iyo-hummels-ka-dhaheen-guushii-jarmalka-sahashay-inay-semi-finalaha-gudbaan/feed/ 0
Hummels Oo Xulka Jarmalka U Suura Galiyay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan Halka France Ay Gurigooa Aadeen!! http://hiilkubad.com/hummels-oo-xulka-jarmalka-suura-galiyay-inay-semi-finalaha-gudbaan-halka-france-ay-gurigooa-aadeen/ http://hiilkubad.com/hummels-oo-xulka-jarmalka-suura-galiyay-inay-semi-finalaha-gudbaan-halka-france-ay-gurigooa-aadeen/#comments Fri, 04 Jul 2014 18:01:23 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28246
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hummels Oo Xulka Jarmalka U Suura Galiyay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan Halka France Ay Gurigooa Aadeen!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
Hummels

Xulka Jarmlka ayaa u suura gashay inay Semi-finalaha koobka aduunka u gudbaan kadib markii kulan aad u dhib badan ay 1-0 kaga badiyeen xulka ay sida weyn u xifaaltamaan waxayna Jarmalka guushan kaga mahad celinayaan daafacooda tayada wanaagsan Mats Hummels oo goolka muhiimka ah u dhaliyay qaybtii hore.

Kulan xiisaha badan ayaa qaybtii hore la is mari waayay madaama labadan xul ay cayaarayeen kubad qaab difaac ah sidoo kalena labada dhinac taxadir dheeraad ah ayay muujinaayeen balse Mats Hummels ayaa reer France qalbi jab ku riday daqiiqadii 12-aad kadib markii uu madaxa la helay kubad uu soo karoosay Toni Kroos waxaana goolka qalad ku lahaa Rafeal Varane oo kasoo bixi waayay waajibkiisa kadib markii uu si wanaagsan u raaci waayay Hummels.

France v Germany

Xidigaha xulka France ayaa dadaal muujiyeen dhamaadii qaybtii hore balse waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen xulka Jarmalka waxayna labadan xul qaybtii hore nasiinada aadeen ayagoo aad u daalan madaama garoonka Maracana u jawi ahaan aad u kululaa.

Markii la isku soo laabtay xidigaha xulka France ayaa weerar ku bilaabeen sidoo kalena gacan sareeyeen balse uma suura galin inay daafaca xulka Jarmala iyo goolhaye Manuel Neuer dhaafaan waxaana kubada is weedaarsanayeen xidigaha kala ah Benzema, Pogba iyo Griezmann.

France v Germany

Xidigaha xulka Jarmalka ayaa cayaareen kubad caqli ku dheehan madaama Khedira, Kroos iyo Schweinesteiger ay kubada heesanayeen ayagoo uga tala galeen inay waqtiga dilaan, Andrea Schurrle oo Klose badalay qaybtii dambe ayaa labo fursadood oo qaali ah helay balse goolhayaha xulka Lloris ayaa ka bad baadiyay.

France v Germany

Benzem ayaa fursad qaali ah helay 4-daqiiqo ee lagu daray balse goolhaye Neuer ayaa ka bad baadiyay waxayna xidigaha France ka qaadeen niyad jab fursada qaaliga ah ee Benzema laga celiyay waxayna cayaarta kusoo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka Jarmalka oo markii 4-aad oo xariir ah koobka aduunka u gudbneen nus dhumaaka koobka aduunka waxayna ku farxeen xidigaha uu macalin Joachim Low hogaamiyo guusha dhibka badneed oo ay gaareen.

France v Germany

France v Germany



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hummels Oo Xulka Jarmalka U Suura Galiyay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan Halka France Ay Gurigooa Aadeen!!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hummels-oo-xulka-jarmalka-suura-galiyay-inay-semi-finalaha-gudbaan-halka-france-ay-gurigooa-aadeen/feed/ 0
Silvio Berlusconi “Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!” http://hiilkubad.com/silvio-berlusconi-waa-yaab-waa-kuma-kooxda-diyaarka-ah-inay-balotelli-naga-iibsato/ http://hiilkubad.com/silvio-berlusconi-waa-yaab-waa-kuma-kooxda-diyaarka-ah-inay-balotelli-naga-iibsato/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:17:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28164
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Silvio Berlusconi "Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!"], All Right Reserved. 2014.
]]>
berlusconi-media490ai_11

Milkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in haatan uu waayo koox ka iibsato Mario Baloteli kadib markii uu xidigan ku fashilmay inuu qaab cayaareed wanaagsan kasoo bandhigo koobka aduunka, wuxuuna Berlusconi sheegay ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabay in kooxdiisa Milan ay dalabyo wanaagsan kasoo gaareen kooxaha Premiership-ka sidoo kalena ay qarka u saarnaayeen inay Super Mario lacag fiican ku helaan balse masuulkan ayaa hada qirtay in wax walbo ay isbadaleen wuxuuna yiri “inkastoo xulka Italy koobka aduunka ka hareen anigana qasaaro xoogan ayaa isoo gaartay waayo ma jirto koox haatan naga iibsaneyso Balotelli kadib markii uu koobka aduunka ku fashilmay!

Silvio Berlusconi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin kooxo badan oo England ka dhisan ayaa dalabyo aad u wanaagsna nasoo garsiiyeen balse nasiib daro fool xumadii uu Mario kasoo bandhigay koobka aduunka ayaa sababtay in haatan koox naga iibsato aan weyn sidaa darteed waxaan a casbi qabaa inuu baaqi nagu sii ahaado marba hadii aysan jirin koox diyaar u ah inay naga iibsato!”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Silvio Berlusconi "Waa Yaab Waa Kuma Kooxda Diyaarka U Ah Inay Balotelli Naga Iibsato!!"], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/silvio-berlusconi-waa-yaab-waa-kuma-kooxda-diyaarka-ah-inay-balotelli-naga-iibsato/feed/ 0
Rasmi: Man United Oo Miiska U Saartay €40m Dhigeeda Fiorentina Si Ay Kaga Hesho Xidiga Reer Colombia http://hiilkubad.com/rasmi-man-united-oo-miiska-saartay-e40m-dhigeeda-fiorentina-si-ay-kaga-hesho-xidiga-reer-colombia/ http://hiilkubad.com/rasmi-man-united-oo-miiska-saartay-e40m-dhigeeda-fiorentina-si-ay-kaga-hesho-xidiga-reer-colombia/#comments Fri, 04 Jul 2014 06:13:32 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28159
Tags:  



Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Man United Oo Miiska U Saartay €40m Dhigeeda Fiorentina Si Ay Kaga Hesho Xidiga Reer Colombia], All Right Reserved. 2014.
]]>
Juan-Cuadrado-Colombia

Kooxda Man United ayaa u muuqatoinay ku guuleesan rabto loolanka loogu jiro laacibka xulka Colombia madaama ay miiska u saartay dhigeeda Fiorentina €40m, waxayna United saxiixa Juan Cuadrado kaga guuleesan rabtaa kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Man City oo xidigan tayada wanaags ku raad joogeen, wararka ka imaanayo dalka Italy ayaa sheegayo in United ay wada xaajood rasmi ah la furtay maamulka kooxda Violla waxaana la filan in kooxda reer Talyaani ay aqbasho dalabkan aadka u sareeyo.

26-jirkan laga daba dhacay waxay kooxdiisa Fiorentina dhawaan sheegtay  €50m kaga samri karto balsea saxaafada dalka Talyaaniga ayaa sadaalineyso in dalabka Man United ay Violla aqbali doonto madaama lacagtii ugu badneed Man United u gaartay, macalin Luis Van Gaal ayaa taageero weyn u ah Cuadrado wuxuuna aaminsan yahay inuu xalin karo dhibaatada Man United ka heesato dhanka garbaha madaama xidigaha kala ah Nani, Ashley Young iyo Luis Antonio Valencia ay dhamaantood xili cayaareedkii dhamaaday ku fashilmeen inay United sameeyn ku yeeshaan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Man United Oo Miiska U Saartay €40m Dhigeeda Fiorentina Si Ay Kaga Hesho Xidiga Reer Colombia], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-man-united-oo-miiska-saartay-e40m-dhigeeda-fiorentina-si-ay-kaga-hesho-xidiga-reer-colombia/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/#comments Fri, 04 Jul 2014 05:40:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28076
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
France-vs-Germany-2014-World-Cup-Quarterfinals

Kulanka: 2014 FIFA World Cup, Quarter Final

Taariikhda/Saacada: July 4, 2014 • 7:00 PM Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Jornalista Mário Filho (Maracanã), Rio de Janeiro

Garsooraha kulankan: Nestor Pitana waa 41-jir u dhashay dalka Argentina

Waxaa la hubaa in xul reer Yurub ah uu Semi-finalaha koobka aduunka u gubdi doono balse kulanka caawo dhex mari doono xulalka France Vs Germany waa mid miisaan culus leh waayo labadan xul taariikh ahaan xifaaltan soo jireen ah ayaa ka dhaxeeyo sidaa darteed cayaartan xamaasad ahaan mid aad u sareyso ayay noqon doontaa, inkastoo xulalka reer Yurub koobka aduunka 2014 uu ku noqday mid mixdan ah madaama fashil iyo cimilada oo kulul aawgeed ayay xulal badan koobka isaga hareen hadana France iyo Germany waxay doonayaan inay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee reer Yurub ah kaasi oo qaarada Koonfur Ameerika ku qaado koobka aduunka!

Germany vs France Live Streaming

Marwalbo France Vs Germany markii ay iska hor imaadaan waxaa lasoo xasuustaa dhacdadii foosha xumeed waayo 1982 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Spain waxaa Semi-finalaha tartankan isku soo beegmeen Franceiyo Germany kulankan 3-3 ayuu kusoo idlaaday kadib markii 30-daqiiqo oo dheeri ah lagu daray laakiin goolhayihii xulka Jarmalka Harold Schumacher ayaa si ula kac ah haraanti ugu dhuftay laacibkii hore ee xul France Patrick Battiston wuxuuna falkan sababat in Battiston uu miir daboolo garoonkana laga qaado weliba 2-ilkoob ayaa ka dhaceen  sidoo kalena 3-ka mid ah lafaha feerihiisa ayaa jabeen waxaa intaas usii dheer in lafta dhabarka uu tarar kasoo gaaray!

Fadlan Daawo Video-ka Muujinaayo Falkii Waalida Ahaa Ee Uu Schumacher Kula kacay Battiston:

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low waxaa saaran cadaadis xoogan madaama xidigahiisa aysan cayaar wanaagsan soo bandhigin kulankii Algeria la cayaareen wareegii 16-aad sidaa darteed saxaafada dalka Jarmalka ayaa soo jeediyeen in Mesut Ozil iyo Mario Gotze kulanka France la fariisiyo madaama aysan kubad wanaagsan soo bandhigin kulankii ugu dambeeyay waxaana la filaa in cayaartan lagu soo bilaabo Andea Schurrle. aqbaarta wanaagsan ee uu macalin Low niyada ku dhisanaayo ayaa ah in daafaciisa tayada wanaagsan Matts Hummels uu kulan diyaar u yahay kadib markii uu hargabkii haayay kasoo kabtay sidoo kale Lukas Podolski ayaa isna dhaawacii dhanka muruqa kasoo kabtay.

France vs. Germany Betting Odds, World Cup Prediction and Match Preview

Dhanka xulka France macalin Didier Deschamps isaga wax cadaadis ah ma saarno madaama uu ku guuleestay inuu dhiso xul awood badan waxaana dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Mamadou Sakho oo dhaawacii muruqa kasoo kabtay balse lama hubo in lagu soo bilaabi doono madaama Laurent Koscielny uu cayaar wanaagsan soo bandhigay kulankii Algeria.

Dhacdo La Xariirto kulankan xiisaha badan:

  • Xulka Jarmalka waxay caawo cayaari doonaan markii 9-aad oo xariir ah wareega 8-aad ee koobka aduunka kulan ah!
  • Xulka France 10-kulan oo ay ku cayaareen ciida dalka Brazil kaliya hal kulan ayaa laga badiyay waxay guuleesteen 6-kulan sidoo kalena 3-kulan bar bar dhac ayay gudaha Brazil ku galeen taariikh ahaan!
  • Xulka Jarmalka waxay soo gaareen semi-finalaha koobka aduunka 3-tartan ee ugu dambeesay sida darteed hadii ay caawo semi-finalaha u gubdaan waxay dhigi doonaan iskoor cusub waayo taariikhda ma jiro xul 4-tartan oo xariir ah nu dhumaadka koobka aduunka soo gaaray.
  • 5-koob aduun ee xulka France kasoo gudbneen wareega 1-aad waxay ugu yaraan gaarayeen semi-finalaha tartankan (1958, 1982, 1986, 1998 iyo 2006).
  • Thomas Müller wuxuu xulka Jarmalka u dhaliyay tartankan 4-gool sidoo kalena 2-gool ayuu dhiibay taasi ayaa ka dhigan 66.7% goolasha ay Jarmalka dhaliyee tartankan inuu Muller ku lug lahaa.
  • Karim Benzema wuxuu sameeyay inta uu tartankan socday 12-kubadood goosha ku laaday waana laacibka xulka France ugu fursad helista badan.
  • André Schürrle 5-kulan ee ugu dambeesay ee uu xulkiisa Jarmalka u cayaaray wuxuu dhaliyay 5-gool!
  • Dhamaan 10-gool oo ay xulka France tartankan dhaliyeen waxaa la yaab ah inay dhamaantooda xariiqda 18-aad gudaheeda ku dhaliyeen ma jiro gool ay banaanka kasoo laadeen!
  • Xulka Jarmalka 15-kulan ee ugu dambeesay kulamada heerka caalami ah lagama badinin waxana guuleesteen 10-ka mid ah halka 5-kulana ay bar bar dhac galeen.

Taariikh Ahaan Kulamadii Ay Labadan Xul Horey U Wada Cayaareen:

Kulankii ugu dambeeyay oo ay labadan xul wada cayaareen wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo wuxuuna ka dhacay magaalada Paris 6-Febraayo 2013 waxaana 2-1 ku badiyeen xulka Jarmalka  waxaa goolka ku hormareen xulka France oo uu u dhaliyay Mathieu Valbuena balse Jarmalka guusha waxaa gacanta u galiyeen xidigaha kala ah Thomas Muller iyo Sami Khedira.

Taariikh ahaan labadan xul way wada cayaareen 25-kulan oo isugu jiraan cayaar saaxiibtinimo iyo kulamo heer caalami ah waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada cayaareen 1931, xulka France ayaa guul badan waxayna guuleesteen 11-kulan halka Germany ay iyaga badiyeen 8-kulan sidoo kalena 6-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen, France 41-gool ayay Jarmalka ka dhaliyeen halka Jarmalka ay iyagana 42-gool dhaliyeen.

Marka laga hadlaayo koobka aduunka waxay labadan xul ku kulmeen 3-jeer ,xulka Jarmalka labo ka mid ah ayay guuleesteen halka France ay hal kulan dhankooda badiyeen:

1958 kaalinta 3-aad koobka aduunka: France 6-3 Germany

1982 semi finalaha koobka aduunka: Germany 3-3 France waxaa 8-7 rigoorayaal ku badiyeen Jarmalk

1986 semi finalaha koobka aduunka Germany 2-0 France.

Line Up-ka macquulka ay oo ay labadan xul caawo kusoo gali doonaan:

France: Lloris, Evra, Sakho, Varane, Debuchy, Matuidi, Cabaye, Pogba, Valbuena, Griezmann, Benzema

Germany: Neuer, Howedes, Mertesacker, Hummels, Boateng, Lahm, Kroos, Schweinesteiger, Ozil, Muller, Schurrle.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/feed/ 0
Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:28:29 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28132
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
 

Pogba

21-jirka khadka dhexe kaga cayaaro xulka France iyo naadiga Juventus Paul Pogba waxaa lagu tilmaamaa xidig kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leh waayo asigoo aad u dhalin yar ayuu caalamka isbaray haatana awooda uu kubada cagta ku leeyahay ma ahan mid la qarin karo sidoo kale Pogba ayaa wacdaro ka dhigaayo koobka aduunka wuxuuna xulkiisa France lasoo gaaray wareega 8-aad tartankan oo haatan si habsami ku dheehan uga socdo dalka Brazil, sidaa darteed waxaan idiin heynaa macluumaad u gaar ah Pogba fadlan hoos kaga bogo:

Pogba hantida uu heesto: $25.4 Million

Da’diisa: 21-sano

Goobta uu ku dhashay: Lagny-sur-Marne, France

Gulihii ugu weynaa ee uu Pogba Gaaray:

Juventus:

Serie A (2): 2012–13, 2013–14

Supercoppa Italiana (2): 2012, 2013

France U-20

FIFA U-20 World Cup (1): 2013

Bilada Shaqsi Ahaaneed Ee Uu Pogba Ku Guuleestay

FIFA U-20 World Cup Golden Ball (1): 2013

Golden Boy: 2013



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paul-pogba-iyo-hantida-uu-leeyahay-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 0
 Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/ http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/#comments Thu, 03 Jul 2014 19:14:13 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28127
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Puyol

Halyee Carlos Puyol oo dhawaan kooxda Barcelona macsalaameeyay ayaa siweyn maamulka kooxdiisa ugu booriyay inay lasoo saxiixdaan Luis Suarez oo siweyn loo hadal haya inuu Barcelona usoo dhaqaaqi doono, kabtan Puyol oo mustaqbalkiisa cayaareed oo dhan u hibeeyay garoonka Camp Nou ayaa ka hadlay arinka Suarez wuxuuna yiri “Luis Suarez waa weeraryahan aad u wanaagsan horey ayaan ula cayaaray waana aqaan tayadiisa sidaa daarteed maamulkeena waxaan ku boorin lahaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan xidigan Camp Nou u keenaan”

Carlos Puyol oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “cayaaryahan walbo waxaa laga rabaa inuu dareenkiisa xakameeyo waayo caruurta na daawaneyso waxa aan garoonka kuso bandhigno ayay marwalbo sameeyaan sidaa darteed waxaan filaa in qaladkii Suarez ka dhacay uusan mar labaad u laaban doonin” Puyol oo 36-jir ah ayaa aaminsan in Suarez tayadiisa aysan hoos u dhici doonin sidoo kalena Barcelona aysan wax sharaf dhac ah kala kulmi doonin hadii ay Suarez lasoo saxiixato madaama xidigan dhawaan xiriirka kubada cagta ay mudo 4-bilood ah ka ganaaxeen inuu cayaaraha ku lug lahaado.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Carlos Puyol Oo Ku Booriyay Barcelona Inay Suarez Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Soo Saxiixdaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/carlos-puyol-oo-ku-booriyay-barcelona-inay-suarez-sida-ugu-dhaqsiyaha-badan-ula-soo-saxiixdaan/feed/ 0
Rasmi: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Saxiixeeda Cusub Emre Can (+Sawiro) http://hiilkubad.com/rasmi-liverpool-oo-soo-bandhigtay-saxiixeeda-cusub-emre-sawiro/ http://hiilkubad.com/rasmi-liverpool-oo-soo-bandhigtay-saxiixeeda-cusub-emre-sawiro/#comments Thu, 03 Jul 2014 18:57:29 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28120
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Saxiixeeda Cusub Emre Can (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
Liverpool-Emre-Can

Ugu dambeyntii kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay xidiga khadka dhexe ka cayaaro Emre Can oo ay kala soo saxiixatay naadiga Bayer Leverkusen, 20-jirkan ayaa heshiis Liverpool la gaaray bilawgii bishii hore ee aan kasoo gudubnay balse maanta ayuu si rasmi ah garoonka Anfield usoo gaaray waxaana la gudoonsiiyay maaliyada Reds. xidigan dhalinta yar waxay Liverpool kula soo saxiixatay £10 million.

New home: Can posing outside Liverpool's Melwood training ground

Emre Can kadib markii maaliyada Reds la gudoonsiiyay wuxuu yiri “aadban ugu faraxsanahay sidoo kalena sharaf weyn ayay ii tahay inaan kusoo biiro Liverpool FC oo ah koox kubada cagta ehel u ah sidoo kalena taariikh aan la gaari karin leh!” Can oo xili cayaareedk hore Leverkusen u saftay 29-kulan Bundesligaha Jarmalka ayaa hadalkiisa sii watay wuxuuna yiri “aadban ugu hanqal tagaayaa inaan Liverpool u cayaaro sidoo kalena ma sugi kari inaan mar un garoonka Anfield kasoo muuqdo!” Can oo kusoo bar baaray kooxda Bayern Munich balse xili cayaareedkan kusoo caan baxay kooxda Leverkusen ayaa lagu wadaa inuu Liverpool wax weyn kusoo kordhiyo madaama uu boosas badan ka cayaari karo xidigan dhalinta yar ee hormarka wanaagsan sameeyay xili cayaareedkii hore.

Ambition: Can is hoping to make a big impact in next season's Champions League

The boot room: He has spoken of his enthusiasm at playing for the club



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Rasmi: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Saxiixeeda Cusub Emre Can (+Sawiro)], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/rasmi-liverpool-oo-soo-bandhigtay-saxiixeeda-cusub-emre-sawiro/feed/ 1
Ma Runbaa In Kooxaha Monaco Iyo Madrid Ay Isdhaafsan Rabaan Falcao Iyo Di Maria http://hiilkubad.com/ma-runbaa-kooxaha-monaco-iyo-madrid-ay-isdhaafsan-rabaan-falcao-iyo-di-maria/ http://hiilkubad.com/ma-runbaa-kooxaha-monaco-iyo-madrid-ay-isdhaafsan-rabaan-falcao-iyo-di-maria/#comments Thu, 03 Jul 2014 18:41:07 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28116
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ma Runbaa In Kooxaha Monaco Iyo Madrid Ay Isdhaafsan Rabaan Falcao Iyo Di Maria], All Right Reserved. 2014.
]]>
dimaria-falcao490ai

Wargesyada dalka Spain ayaa qoreen in kooxaha AS Monaco iyo Real Madrid uu wada xaajood rasmi ah u bilaawday labadan koox ayaa ka wada hadli doonaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen xidigaha kala ah Radamel Falcao iyo Angel Di Maria, madaama Real Madrid ay bilihii ugu dambeesay ku raad joogtay soo xero galinta Falcao sidoo kalena ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay kooxda reer Spain ayaa aqbashay inay dhigeeda Monaco ku wareejiso Angel Di Maria oo kalsoonida maamuka Madrid waayay.

Labadan xidig waxaa wakiil u wada ah Jorge Mendes oo xiriir wanaagsan la leh maamulka Real Madrid sidaa darteed heshiiskan inuu hirgalo ayaa loo badinaa maal mahanagu soo fool leh, Di Mari ayaa dhawaan Real Madrid ka dalbaday inay sanad walbo siiyaan €4m balse Real ayaa dalabkiisa u gacan seertay wuxuuna haatan lacagahaas ka heli doonaa kooxda Monaco madaama labadan labadan xidig min €50m lagu qiimeeyo labadan koox siweyn ayay ugu qanacsan yihiin inay Di Maria iyo Radamel Falcao si dhaafsasdan.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ma Runbaa In Kooxaha Monaco Iyo Madrid Ay Isdhaafsan Rabaan Falcao Iyo Di Maria], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ma-runbaa-kooxaha-monaco-iyo-madrid-ay-isdhaafsan-rabaan-falcao-iyo-di-maria/feed/ 0