Hiilkubad| Isha Wararka Cayaaraha » Ibrahim Hassan Adow “Daacad” http://hiilkubad.com Tue, 23 Sep 2014 05:50:51 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.0 Gudoomiyaha Sports Xaafada Shiirkole Ee Dagmada Hodan Oo Hambalyo U Diray Gudoomiyaha Cusub Ee Xiriirka Kubada Cagta http://hiilkubad.com/gudoomiyaha-sports-xaafada-shiirkole-ee-dagmada-hodan-oo-hambalyo-u-diray-gudoomiyaha-cusub-ee-xiriirka-kubada-cagta/ http://hiilkubad.com/gudoomiyaha-sports-xaafada-shiirkole-ee-dagmada-hodan-oo-hambalyo-u-diray-gudoomiyaha-cusub-ee-xiriirka-kubada-cagta/#comments Sun, 07 Sep 2014 16:13:28 +0000 http://hiilkubad.com/?p=34763 SAWIR

Iyadoo isbuucii lasoo dhaafay la doortay gudoomiyaha cusub ee xiriirka kubada cagta soomaaliya C/qani Siciid Carab, hadana waxaa jira hambalyo kaga imaaneysa bahda Sports-ka ee gobolka Banaadir.

Hambalyadaan waxaa diraya gudiga Sports-ka Xaafada Shiirkole ee dagmada Hodan.

Ku: Xariirka Kubada Cagta Somaliya (SFF)

Ujeedo: Hambalyo

Gudiga Sportiga Shirkole wuxuu soo dhaweynayaa una hambalyeeynayaa Gudomiyaha cusub ee xariirka kubada cagta Somaliyeed Cabdi Qani Siciid Carab oo dhawaan lagu doortay gudaha Magaalada Muqdisho 31 bishi 8aad 2014 doorashadaas oo kudhacday si cadaalad ah oo waafaqsan xeerka xariirka kubada cagta Somaliyeed.

Sidoo kale gudigu wuxuu kukalsoonyahay in gudomiyaha cusub uu wax badan kukordhin karo horumarka kubada cagta Somaliya.

Mahadsanidiin

Mohamud Abdi Olad

(Xoghaya Sportiga Xaafada)

]]>
http://hiilkubad.com/gudoomiyaha-sports-xaafada-shiirkole-ee-dagmada-hodan-oo-hambalyo-u-diray-gudoomiyaha-cusub-ee-xiriirka-kubada-cagta/feed/ 0
Mario Waa 24-jir La Shaqeeyay 6-Macalin Hadaba Rodgers Tusaale Ku Filan Wuu Heestaa!! http://hiilkubad.com/mario-waa-24-jir-la-shaqeeyay-6-macalin-hadaba-rodgers-tusaale-ku-filan-wuu-heestaa/ http://hiilkubad.com/mario-waa-24-jir-la-shaqeeyay-6-macalin-hadaba-rodgers-tusaale-ku-filan-wuu-heestaa/#comments Tue, 26 Aug 2014 06:02:53 +0000 http://hiilkubad.com/?p=33380 mario-balotelli_3013444b

Super Mario si rasmi ah ayuu kooxda Liverpool kaga mid noqday waxaana la filaa inuu noqdo hogaamiyaha Reds ee dhanka weerarka, inkastoo uu xidigan heesto kalsoonida taageerayasha, cayaartooyda iyo macalinka Liverpool hadana saxaafada dalka England ayaa sadaalineyso in hab dhaqanka Super Mario uusan marnaba isbadali doonin madaama uu xidigan horey ugu guul dareestay inuu la yimaado dabci wanaagsan iyo inuu anshaxiisa toosiyo, hadaba hoos kaga bogo macalimiinta uu xidigan horey ula soo shaqeeyay:

Roberto Mancini Wuxuu macalin ugu noqday Super Mario labo naadi (Inter 2007–08 iyo Manchester City 2010–12)

José Mourinho (Inter, 2008–10)

Cesare Prandelli (Italy, 2010–14)

Massimiliano Allegri (Milan, 2012–14)

Clarence Seedorf (Milan, 2014)

Filippo Inzaghi (Milan, 2014)

Brendan Rodgers (Liverpool, 2014–)

]]>
http://hiilkubad.com/mario-waa-24-jir-la-shaqeeyay-6-macalin-hadaba-rodgers-tusaale-ku-filan-wuu-heestaa/feed/ 0
Juan Cuadrado Oo Aan Weli Ka Qasuusan Inuu Ku Biiro Kooxda Manchester United http://hiilkubad.com/juan-cuadrado-oo-aan-weli-ka-qasuusan-inuu-ku-biiro-kooxda-manchester-united/ http://hiilkubad.com/juan-cuadrado-oo-aan-weli-ka-qasuusan-inuu-ku-biiro-kooxda-manchester-united/#comments Tue, 26 Aug 2014 06:00:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=33379 Cuadrado

Tan iyo xagaagii hore ayaa afka lagu haayay in maalin un Juan Cuadrado uu kooxda Man United ku biiri doono balse ulaa haatan waxba kama suura galin madaama xidigan kooxdiisa Fiorentina ka madax adeygeso inay qiimo jaban ku iibiso.

Balse xidiga reer Colombia ayaa sheegay inuusan weli ka quusanin ku biiritaanka kooxda Man United, wararka ayaa intaas ku daraayo in xidigan iyo wakiilkiisa ay Fiorentina ku cadaadinayaan inay hoos u dhigto qiimaha ay dul dhigtay kaasi oo lagu sheegay £30 million.

Macalinka kooxda Fiorentina Vincenzo Montella ayaa xusay in Cuadrado uu muhiim u yahay kooxdiisa balse wuxuu xusay in xidiga uusan ka hor istaagi doonin hadii ay dalab wanaagsan usoo dirto kooxda Man United.

Sidoo kale 26-jirkan waxaa ka raad joogto naadiga Barcelona waxaana la hubaa in qiimahiisa uu sare u kac sameyn doono madaama labo naadi oo ka mid ah kooxaha aduunka ugu caansan ay saxiixiisa ku raad joogaan sidoo kalena maal maha suuqa Yurub ka harsan ayaa sii damaanayo waxaana macquul ah in xidigan kooxdiisa ay lacago badan ku hesho.

Muhiimada ayaa ah in Cuadrado uu rajo wanaagsan ka qabo ku biiritaanka Man United waxaana macquul ah inay United soo xero galinta xidigan usoo jeesato kadib marka ay dhameestirto imaatinka Angel Di Maria.

]]>
http://hiilkubad.com/juan-cuadrado-oo-aan-weli-ka-qasuusan-inuu-ku-biiro-kooxda-manchester-united/feed/ 3
Olivier Giroud Oo Shaki Weyn La Galiyay Inuu Arsenal U Safan Karo Kulanka Besiktas http://hiilkubad.com/olivier-giroud-oo-shaki-weyn-la-galiyay-inuu-arsenal-u-safan-karo-kulanka-besiktas/ http://hiilkubad.com/olivier-giroud-oo-shaki-weyn-la-galiyay-inuu-arsenal-u-safan-karo-kulanka-besiktas/#comments Tue, 26 Aug 2014 05:56:38 +0000 http://hiilkubad.com/?p=33378 Giroud

Olivier Giroud xaalkiisa ma wanaagsano wuxuuna xidigan la ildaran yahay dhaawac ka asiibay dhanka qoobka midig.

Weeraryahankan tayada wanaagsan haatan waxaa shaki weyn la galiyay inuu kooxdiisa Arsenal u safan karo kulanka ay habeen dambe la cayaari doonto naadiga Besiktas kana tirsan isreeb reebka koobka horyaalada Yuru lugtiisa labaad.

Madaama kulankan Arsenal  guul u baahan tahay macalin Arsene Wenger dhibaato weyn ayay ku noqon doontaa maqnaanshaha Giroud oo waji wanaagsan xili cayaareedkan ku bilaabay.

27-jirkan dhaawacan wuxuu soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Arsenal bar bar dhaca 2-2 la gashay naadiga Everton inkastoo uu gool muhiim ah kooxdiisa u dhaliyay isla kulankan hadana daqiiqadii ugu dambeeyay waxaa soo gaaray dhaawac dhanka qoobka ah haatana ma heesto waqti ku filan madaama uu awood waayay inuu sameeyo tababar dhameestiran maalintii shalay ahayd.

Madaama Alexis Sanchez uusan weli kooxda Arsenal si wanaagsan ula qabsanin sidoo kalena xidigan u baahan yahay waqti ku filan si uu Premier League ula qabsado dabcan Wenger iyo dhaqaatiirta Arsenal wax walbo ayay sameyn doonaan si loo xaqiijiyo in Giroud uu safan karo kulanka Besiktas oo ah kulan ay Arsenal ku xaqiiqsan karto ka qayb qaadashada koobka horyaalada Yurub xili cayaareedkan.

]]>
http://hiilkubad.com/olivier-giroud-oo-shaki-weyn-la-galiyay-inuu-arsenal-u-safan-karo-kulanka-besiktas/feed/ 2
John Terry “Marnaba Kuma Baraarugin in Diego Costa Uu Yahay Shaqsi Wanaagsan” http://hiilkubad.com/john-terry-marnaba-kuma-baraarugin-in-diego-costa-uu-yahay-shaqsi-wanaagsan/ http://hiilkubad.com/john-terry-marnaba-kuma-baraarugin-in-diego-costa-uu-yahay-shaqsi-wanaagsan/#comments Tue, 26 Aug 2014 05:47:02 +0000 http://hiilkubad.com/?p=33371 Terry

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa sheegay inuu markii hore la dhacsaneyn imaan shaha Diego Costa sidoo kalena xurguf dhex martay markii ay kooxaha Chelsea iyo Atletico Madrid xili cayaareedkii hore ku kulmeen nus dhumaadka koobka horyaalada Yurub balse haatan Terry ayaa sheegay inuu gabi ahaanba dib u liqay xumaantii uu Costa u qabay wuxuuna yiri

“Costa waa xidig aad u wanaagsan sidoo kalena Chelsea la qabsaday balse aniga fikir qaldan ayaan ka heestay waayo xurguf adag ayaa na dhex martay kulankii Champion-ka xili cayaareedkii hore balse haatan dadka wuu iiga dhow yahay madaama uu Blues kusoo biiray”

Sidoo kale kabtan Terry ayaa xusay in Costa uu yahay xidig fur furan oo ku wanaagsan is dhexgelka bulshada wuxuuna yiri

“Diego waa laacib qalbi furan waayo qolka labiska Chelsea dadka ayuu kaga qosol siiyaa inkastoo uusan si wanaagsan luqada Ingiriiska u aqoonin hadana wuxuu ku wanaagsan yahay wada shaqeyna iyo kaftanka sidoo kalena waa xidig hal abuur wanaagsan oo marwalbo qolka labiska markii aan joogno fikrid wanaagsan ayuu soo jeediyaa”

Diego Costa xagaagan wuxuu isaga soo tagay naadiga Atletico Madrid ilaa haatana waxaa u suura gashay inuu si wanaagsan ula qabsado kooxdiisa Chelsea wuxuuna u dhaliyay 2-gool labadii kulan ee ugu horeeyay Premiership-ka England sidoo kalena isla labadaas kulan Blues wey guuleesatay.

]]>
http://hiilkubad.com/john-terry-marnaba-kuma-baraarugin-in-diego-costa-uu-yahay-shaqsi-wanaagsan/feed/ 2
Cristiano Ronaldo Iyo Noloshiisa Gaarka ah Maxaa Kala socotaa? (+Sawiro)‏ http://hiilkubad.com/cristiano-ronaldo-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro%e2%80%8f/ http://hiilkubad.com/cristiano-ronaldo-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro%e2%80%8f/#comments Tue, 29 Apr 2014 08:30:33 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=77 cristiano-ronaldo-and-irina-shayk-in-maldives

Markale waxaan maanta dib uga faaloon doonaa nolosha gaarka ah ee xidigaha ugu caansan caalamka waxaana si gaar ah diirada u saari doonaa laacibka aduunka ugu shacbiyada balaaran Cristiano Ronaldo kana tirsan naadiga Real Madrid iyo xulka Portugal, weeraryahankan haatan waa xidiga labaad ee ugu wanaagsan caalamka sidoo kalena waa cayaaryahanka labaad ugu qaalisan dhamaan xirfadleyda kubada cagta sidaa darteed waxaa hubaal ah in noloshiisa gaarka ah xiiso gaar ah leedahay madaaa ay indhaha ku hayan malaayiin taageero ah oo uu caalamka ku leeyahay.

 Spain v USA

Tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo uu kusoo biiray kooxda Man United asigoo aad u dhalin yar wuxuu noqday cayaaryahan laga daba dhacay dunida shacbiyad balaaran ku leh wuxuuna xidigan soo jiitan hablaha ugu caansan caalamka, laga soo bilaabo sanadi 2003 Ronaldo wuxuu xiriiro kala duwan lasoo yeeshay haweeney farabadan waxaan ka xusi karnaa Raffaela Fico (haatan ah Mario Balotelli saaxiibtiis) , Kim Kardashian, Paris Hilton, Mirella Grisales, Letizzia Filippi, Merche Romero, Karina Bacchi, Niki Ghazian, Nereida Gallardo, Imogen Thomas iyo Luana Belletti balse dhamaan hablahaas ma jirto mid ay isku waareen Ronaldo ama qalbigiisa si gaar ah usoo jiidatay ugu dambeyntiina wuxuu ku qancay inuu nolosha la wadaago gabadha lagu magacaabo Irina Shayk.

 Cristiano-Ronaldo-with-Girlfriend-2012-Pictures 02

Ronaldo iyo Irina waxay saaxiibo yahiin tan iyo May 2010 haatan qaa qoys dhameestiran waxaa u joogo wiil labadan lamaane waxayna si rasmi ah isku guursadeen sanadkii hore ee aan kasoo gudubnay, labadan lamaane aadbay isku jecel yihiin inkastoo qoyska Ronaldo ayay marar badan wiilkooda kula taliyeen inuu Irina isaga haro gaar ahaan Ronaldo hooyadiis gabadhan kama hesho waxayna ku nacday inay tahay haweeney inta badn xirato dhar jirkeeda muujinaayo sidoo kalena waxay soo bandhigtaa marwalbo sawiro ayadoo wadato dhar aad u gaab gaaban balse Ronaldo ayaa ka madax adeegay talada qoyskiisa wuxuuna u sheegay inuu Irina aad u jecel yahay.

 Cristiano-Ronaldo-with-Girlfriend-2012-Pictures 03

Irina Shayk waa gabar Super-Model ah una dhalatay dalka Russia sidoo kalena gabadhan waxay hal sano ka yar tahay saaxiibkeed Ronaldo madaama ay 28-jir tahay waxayna ka mid tahay hablaha ugu caansan haweyna dharka xayeysiiyo madaama ay Ronaldo xiriir la leedahay, haatan Irina waxay leedahay hanta farabadan sidoo kalena magac aan la gaari karin ayay leedahay, inkastoo labadan lamaane ay kasoo kala jeedaan dalalka Portugal iyo Russia hadana waxay ku nool yihiin magaalada Madrid ee dalka Spain inta badana waxay xiliga fasaxa gaar ahaan xagaaga usoo safraan xeebaha dalka Talyaaniga.

Cristiano Ronaldo - Irina Shayk

cristiano-ronaldo-with-irina-shayk-in-the-beach

cristiano-ronaldo-with-irina-shayk-pic

]]>
http://hiilkubad.com/cristiano-ronaldo-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro%e2%80%8f/feed/ 3
Mesut Ozil Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa‏ (+ Sawiro Isaga Iyo Xaaskiisa) http://hiilkubad.com/mesut-ozil-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa%e2%80%8f-sawiro-isaga-iyo-xaaskiisa/ http://hiilkubad.com/mesut-ozil-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa%e2%80%8f-sawiro-isaga-iyo-xaaskiisa/#comments Tue, 29 Apr 2014 08:13:36 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=216 article-2410999-1B9D7811000005DC-938_634x732

Kubad sameeya xulka Jarmalka haatan waa xidiga loogu hadal heynta badan yahay qaarada Yurub kadib markii kooxda Arsenal ay ku iibsatay aduun lacageed oo gaarayo 50-milyan oo euro ah sidaa darteed waxaan idiin heynaa warbixin kooban oo ku saabsan Mesut Ozil noloshiisa gaarka ah, 24-jirkan wuxuu kasoo jeedaa qoys reer Turkey balse soo dageen dalka Jarmalka sedex fac ka hor, balse xidigan wuxuu ku dhashay kuna bar baara dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Gelsenkirchen ee ka dhisan galbeedka dalka Jarmalka sidaa darteed wuxuu doortay inuu matalo xulka kubada cagta dalka Jarmalka.

article-2410999-1B9D77F6000005DC-190_634x889

Ozil waa cayaaryahan Muslim ah sidoo kalena ka mid ah shaqsiyaadka ugu magaca dheer dalka Jarmalka kana mid ah xidigaha ugu caansan caalamka, waxaana inta badan lagu amaanaa aqlaaqdiisa wanaagsan marka uu garoonka ku jiro, haatan kooxda Arsenal ayuu heshiis 5-sano ah u saxiixay asigoo sanad walbo qaadan doono 7-milyan oo euro ah.

Hadii aan usoo laabano noloshiisa gaarka ah, Ozil asigoo 21-jir ah waxay xiriir jaceel wada wadaageen haweyneyda lagu magacaabo Anna-Maria Lagerblom waana 32-jir  sidoo kalena sameyso foto-model inkastoo markii hore uu xiriirkooda aad u wanaagsanaa inta badana bulsho weyna dalka Jarmalka ay ka wada warqabeen hadana xiriirkooda bur bur ayaa ku yimid markii uu Ozil usoo dhaqaaqay magaalada Madrid si uu xirfadiisa cayaareed Real Madrid uga sii wato Anna-Maria Lagerblom iyadana waxay dayiri kari weesay shaqadeeda sida darteed xiriirkooda bur bur rasmi ah ayaa ku yimid waxayna wada socdeen inti u dhaxeesay 5/2009              ilaa 11/2010 taasi oo ka dhigan in sanad bar ay saaxiibo ahaayeen.

zp_179654231_SM_9008a_9CD02C3_7838

Isla markiiba Ozil arintan wax niyad jab ah kuma keenin wuxuuna bartay gabadha lagu magacaabo Mandy Capristo waa heesaa caan ah sidoo kalena waa 23-jir inta badan jecel inay saaxiibkeed ka agdhawaato si uusan xiriirkooda u bur burin, balse haatan wargeska Daily Mail ayaa sheegay in labadan lamaane ay ku kala duwan wihiin halka ay magaalada London kaga nolaan lahaayeen waayo Ozil ayaa doonayo inuu Waqooyiga London dago madaama uu Gunners-ka ku biiray halka saaxiibtiis Mandy Capristo ay ka codsatay saaxiibkeed inay ku wada noolaadaan Galbeedka magaalada London gaar ahaan xaafada Chelsea sidaa darteed waxaa xiiso gaar ah leh halka ay labadan lamaane ugu dambeyntii isku raaci doonaan inay wada dagaan kuna noolaadaan.

article-2410999-1B9D7820000005DC-847_634x868

]]>
http://hiilkubad.com/mesut-ozil-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa%e2%80%8f-sawiro-isaga-iyo-xaaskiisa/feed/ 1
Frank Lampard iyo Noloshiisa Gaarka (+Sawiro) http://hiilkubad.com/frank-lampard-iyo-noloshiisa-gaarka-sawiro/ http://hiilkubad.com/frank-lampard-iyo-noloshiisa-gaarka-sawiro/#comments Tue, 29 Apr 2014 08:10:18 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=109 Frank Lampard with Girlfriend 01

Frank James Lampard waa xidig ka tirsan naadiga Chelsea sidoo kalena u cayaaro xulka England, halyee Lampard wuxuu dhashay 20-kii June 1978, haatan waa 34-jir daafaha caalamka siweyn looga yaqaano sidoo kalena laacibkan heerkii ugu sareeyay ayuu kubada cagta ka gaaray maantana waxaan idiin heynaa xidigan noloshiisa gaarka ah.

Frank Lampard with Girlfriend 02

Franka haatan waxay saaxiibo yihiin gabadha lagu magacaabo Christine Bleakley tan iyo sanadii 2009 ayya gabadhan u dhalatay dalka Britain saaxiibo ahaayeen waxayna si rasmi ah isku guur sadeen sanadii 2011 haatana waa lamaane hal meel ku wada nool.

Frank Lampard and Christine Bleakley

Balse maxaa kala socotoaa noloshiisii hore, Lampard waxay horey iskula noolaan jireen gabar Spanish ah oo lagu magacaabo Elen Rivas, waxayna u dhashay labo gabdhood Luna (oo dhalatay 22 August 2005) iyo Isla (oo iyadana 20 May 2007), balse nasiib daro qoyskan sanadii 2008 ayuu bur buray, xiligaas ayayna si rasmi ah u kala hareen Lampard iyo Elen Rivas mudo 7-sano kadib ayuu xiriirkooda so oaf jarmay. Waxaa intaas sii dheer in gabadhan ay Frank maxkamad ka dacweesay waxaana looga qaaday 12.5-milyan oo pound!

Frank Lampard with Girlfriend 04

Haatan ruug cadaagan nolol cusub ayaa u bilaabatay sida sawirka ka muuqato wuxuuna aad ugu farxsan yahay wehelka uu ka helaayo saaxiibtiis Christine Bleakley, Frank iyo saaxiibtiis oo ku qaadanaayay fasixii sanadka cusbaa dalka Talyaaniga ayuu la hadlay wargeska The Sun wuxuuna yiri “waan ku faraxsanahay inaan wheel dhameestiran ka helaayo Christine waxaana rajeynaa inaan mudo dheer isla sii noolaan doono madaama aan si wanaagsan isku fahanay”

Frank Lampard with Girlfriend 06

Frank wuxuu kasoo jeedaa qoys kubada cagta magac dheer ku leh waayo aabihiis wuxuu u cayaari jiray kooxda West Ham United, sidoo kale Lampard adeerkiis Harry Redknapp waa tababaraha naadiga QPR sidoo kalena dalka England magac weyn ayuu ku leeyahay waxaa intaas sii dheer wiilka Lampard ay ilmo adeerada yihiin Jamie Redknapp isna wuxuu kabtan u ahaan jiray naadiga Liverpool waxaana wiilkan dhalay Harry Redknapp.

 

]]>
http://hiilkubad.com/frank-lampard-iyo-noloshiisa-gaarka-sawiro/feed/ 0
Theo Walcott Iyo Noloshiisa Gaarka ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro) http://hiilkubad.com/theo-walcott-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/ http://hiilkubad.com/theo-walcott-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/#comments Tue, 29 Apr 2014 08:03:21 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=116 Theo Walcott

Weeraryahanka naadiga Arsenal Theo Walcott haatan ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan caalamka ayaan maanta idiin heynaa war bixin kooban oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah, Theo waa 23-jir wuxuuna kusoo bar baaray xidigan dhalinta yar naadiga Southhamptom kadibna kooxda Arsenal ayuu usoo dhaqaaqay sanadii 2006. Xidigan wuxuu kasoo jeedaa qoys asalkooda u yahay dalka Jamaica waayo aabihiis ayaa Jamaican ah halka hooyadiis ay tahay British.

 Theo

Theo Walcott waxay saaxiibo yihiin gabadha lagu magacaabo Melanie Slade waxayna isla socdeen mudo dheer waayo labadan lamaane ayaa is barteen sanadii 2004 waxayna isbarashadooda kasoo bilaabatay magaalada Southampton xili uu Theo Shopping ka sameesanaayay dukaan magaaladan ku yaalo ilaa haatan labadan lamaane marnaba kala harin dhawaan waxay u dabaal dageen in xiriirkooda uu 9-sano jirsaday waxaana la rajeynaa inay dhawaan aqal galaan labadan lamaane oo siweyn looga yaqaano magaalada London.

 BPI_48C6610A4C34F232514640

Theo Walcott iyo aabihiis waxay taageero weyn u yihiin kooxda Liverpool, laacibkan dhalinta yar marnaba ma uusan qarsanin inuu taageero naadiga Liverpool wuxuuna sheegay asigoo wiil yar ah inuu Liverpool u sacabo tumi jiray. Theo walaashiis ka weyn oo lagu magacaabo Hollie Walcott waa gabar ku caan baxday dhisada jirka waana gabar sumcad weyn ku leh dalka Britain.

Theo-Walcott-with-Girlfriend 05

]]>
http://hiilkubad.com/theo-walcott-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-maxaa-kala-socotaa-sawiro/feed/ 1
Steven Gerrard iyo noloshiisa gaarka ah (+Sawiro) http://hiilkubad.com/steven-gerrard-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-sawiro/ http://hiilkubad.com/steven-gerrard-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-sawiro/#comments Fri, 04 Apr 2014 08:12:22 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=88 Liverpool FC footballer Steven Gerrard and his family leaving the Spire Liverpool Hospital, UK

Steven Gerrard waa kabtanka xulka England iyo naadiga Liverpool waanna mid ka mid ah xidigaha ugu caansan caalamka weliba wuxuu ka mid yahay cayaartooyda ay ku faanaan Premiership-ka dalka England, Steven weligiis naadi kale uma uusan cayaarin wuxuuna mustaqbalkiisa cayaareed kusoo qaatay naadiga Liverpool sanadii 1998 ayuu ka mid noqday kooxda heerka kowaad ee Liverpool ilaa haatana si joogto ah ayuu kooxdiisa ugu cayaaraa waxaa intaas usii dheer in sanadii 2003 uu la wareegay kabtanimada Reds sidaa darteed mudo 10-sano ah ayuu Liverpool kabtan u yahay!

 Steven-Gerrard-with-wife-2012 01

32-jirkan wuxuu guursaday gabadhada lagu magacaabo Alex Curran labadan lamaane sanado farabadan ayay isla nool yihiin waxaana u joogaan sedex gabdhood oo lagu magacaabo Lilly-Ella (8-jir ah) Lexia (6-jir) iyo Lourdes (1-sano iyo labo bilood) Steven Gerrard saaxiibtiis Alex Gerrard waa gabar Photo Modelista ah sidoo kale waxay maqaal ku qortaa wargeska caanka Daily Mirror ayadoo kaga hadasho arimaha Fashion-ka. Labadan lamaane waxay si rasmi ah isku guursadeen 16 June 2007 waxayna dagan yihiin xaafada Formby ee ka tirsan Merseyside (Liverpool).

 Steven-Gerrard-with-wife-2012 02

Steven ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin jecel la joogista reerkiisa waayo inta badan lagama waayo gurigiisa wuxuuna ku caan baxay inuu xilayada fasaxiisa la qaato sedexdiisa gabdhood iyo hooyadood, sanadii 2008 xili uu Steven ku maqnaa safar asigoo kooxdiisa Liverpool raacay ayaa waxaa gurigiisa soo weerareen 4-nin oo wajiga maasgaro soo gashteen waxayna gurigiisa ka qaateen saacad qurux badan oo ay usoo iibisay xaaskiisa Alex sacaadaas waxaa lagu sheegay qiimaheeda 10,000 waxayna Alex sacadaan hadiyad ahaan ugu keentay saaxiibkeed Steven balse ma uusan calfanin markii ay tuugada gurigiisa soo weerarayeen Alex goob joog ayay ahayd balse wax dhibaato ah uma aysan geesanin madaama ay qaylisay, wixii markaas ka dambeesay Steven ilaalo gaar ah ayuu gurigiisa u sameeyay!

 Steven-Gerrard-with-wife-2012 03

Steven intii uu kubada cagta kusoo jiray wuxuu kooxdiisa la gaaray guulo taariikhi ah koobabka uu la qaaday Liverpool waxaa ka mid ah 2-FA Cups, 3-League Cups, 2-Community Shields, 1-Champions League, 1-UEFA Cup, iyo 2-Super Cups, Steven koobka kaliya ee ka dhiman ayaa ah Premiership-ka wuxuuna sheegay inta uu kubada cagta kusii jiro inuu ku dadaalui dadaadli doono sidii uu koobkan kula qaadi lahaa.

Steven-Gerrard-with-wife-2012 04

Steven-Gerrard-with-wife-2012 05Steven-Gerrard-with-wife-2012 06

]]>
http://hiilkubad.com/steven-gerrard-iyo-noloshiisa-gaarka-ah-sawiro/feed/ 0