Home » Maxaa Cusub » Aurelio De Laurentiis: “Kooxdii Dooneysa Gonzalo Higuain €100 Malyan Miiska Ha Saarto”

Aurelio De Laurentiis: “Kooxdii Dooneysa Gonzalo Higuain €100 Malyan Miiska Ha Saarto”


Higuain

Madaxweynaha Kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ka dhawaajiyay hadal madax xanuun ku riday kooxda Barcelona kadib markii uu shaaca ka qaaday qiimaha ay koox walba oo dooneysa Gonzalo Higuain kaga qaadan karto kooxda Napoli oo uu haatan ka tirsan yahay.

Weeraryahankaan reer Argentina ayaa xulkiisa gaarsiiyay Finalka Koobka Aduunka ee haatan ka socda Brazil iyadoo Axada ay wajahayaan xulka sadexda jeer heysta ee Jarmalka inkastoo qudhooda ay laba jeer heystaan.

“Dadka qaarkood waxey qoreen in xidigaan 70 Malyan Oo Euro lagu heli karo” Ayuu Aurelio u sheegay Corriere dello Sport

“Hagaag, waxaan kuu sheegayaa in sanadii hore markii aan lasoo saxiixday Higuain qandaraaskiisa uu ahaa in lagu jabin karo 100 Malyan Oo Euro”

“Sida aad arki karto saxaafadu mar walba wey kahdaa, wey kala qeybiyaan sheekada saxda ah”

Ugu dambeyntii Aurelio De Laurentiis ayaa u sheegay koox walba oo dooneysa Higuain iney miiska saarto 100 Malyan Oo Euro si ay u hesho milkiyada xidigaan reer Argentina taasoo ka dhigan in Higuain uusan iib aheyn xiligaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close