Kooxda Atletico Madrid ayaa ka taxadareysa ineysan lumin kalsoonida Jamaahiirteeda aan nasiibka u helin iney helaan Tikidhada Finalka tartanka Champions League ee 24-ka bisha May ka dhici doona garoonka Stadia Da Luiz ee kooxda Benfica.
Jamaahiirta kooxda Atletico Madrid ayaa aad u fara badan iyadoo maamulka kooxda uu soo hindisay qorshe cusub oo ay Jamaahiirta ku qanci karaan iyagoo shashado waaweyn oo afar ah ugu rakibaya garoonka Vincent Calderon.
Garoonka Vincent Calderon ayaa habeenkaas buux dhaafi doona sidii iney ka dhaceyso kulanka Madrid Derby waxaana afarta dhinac lagu xiri doonaa shaashado waaweyn oo qof walba u suuragalin kara inuu arko muuqaalka ciyaarta lana socdo natiijada.
Arinkaas Jamaahiirta kooxda ayaa ku farxay waxeyna diyaarsadeen agabkii ay kaga qeyb gali lahaayeen inkastoo farxad iyo murugo labadaba ay diyaar u yihiin.