Home » Europe » Champions League » Atletico Madrid Oo War Farxad Leh Ka Heshay Xaalada Arda Turan Ka Hor Kulanka Chelsea

Atletico Madrid Oo War Farxad Leh Ka Heshay Xaalada Arda Turan Ka Hor Kulanka Chelsea


Arda-Turan

Kubad sameeyaha Kooxda Atletico Madrid iyo Xulka Turkiga Arda Turan ayaa gudbay tijaabadii caafimaad ee lagu ogaanayay xaaladiisa iyo inu taa u yahay kulanka Chelsea ee lugta koowaad Semi Finalka Champions league ee isbuucaan ka dhici doona Vincent Calderon.

Arda Turan ayaa maanta tababarka la qaatay kooxdiisa xili Wiilasha Diego Simeone ay diyaar garow adag ugu jiraan iney wajahaan markii labaad Chelsea iyadoo horay kaga qaaday koobka Uefa Super Cup sanadkii 2012.

Arda Turan ayaa dhaawac uu kasoo gaaray kulankii kooxdiisa ay barbaro 1-1 ah la gashay Barcelona lugta koowaad ee Champions league wareegiisa Quater finalka ee ka dhacay Camp Nou horaantii bishaan April.

Arda Turan ayaa dhaliyay 3-gool, 7-kulan oo uu saftay Champions League xili ciyaareedkaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close