Sida laga soo xigtay TV laga leeyahay dalka Mexico Kooxda Atletico Madrid ayaa Arsenal kaga adkaatay saxiixa goolhayaha Shan Faroodka ah ee xulka Mexico iyo Kooxda Ajaccio Guillermo Ochoa kaas oo wacdaro lama iloobaan ah ka dhigay koobka Aduunka ee haatan dhamaadka ku dhaw kana socda Brazil.
TV Azteca oo laga leeyahay dalka Mexico ayaa shaaciyay in kooxda Atletico Madrid ay ku dhawdahay saxiixa goolhayahaan iyadoo badal uga dhigi doona goolhayaha u laabanaya gurigiisa ee Thibaut Courtios.
Goolhaye Ochoa ayaa qandaraska uu kula joogay koxda Ajaccio wuxuu dhacay bishii June ee sanadaan waxeyna Atletico ku heli kartaa si xor ah waxeyna warbixinadu sheegayaan inuu heshiis la gaary Atletico Madrid.
Sidoo kale TV Azteca wuxuu soo jeediyay in 99% la dhameeyay, isla markaana maalmaha soo aadan ay Atletico ku dhawaaqi doonto saxiixa xidigaan.
28-jirkaan ayaan kooxna dooneyn ka hor koobka Aduunak balse wacdarihii uu ka dhigay wareega groupyada iyo Wareega 16-ka ayaa sababtay in kooxo badna oo yurub ah usoo hanqal taagaan.
Profile