Kooxda Atletico Madrid ayaa ku warantay iney heshiis la gaartay dhigeeda Bayern Munich iyadoo kala heshiisay qiimaha weeraryahanka reer Croatia Mario Mandzukic.
Xidigaan heerka caalami ee xulka Croatia ayaa la hadal hayay inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka Bundesliga kadib markii ay ismaandhaafen tababaraha kooxda Pep Guardiola inkastoo ay taasi sii dheer tahay in booskiisa la keensaday Roberto Lewandowski oo si xor ah kaga soo biiray Borrusia Dortmund.
Sida ay shaacisay Bild Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay tartankii loogu jiray Mario Mandzukic wuxuuna heshiis shan sano ah qalinka ugu duugi doonaa kooxda u hogaamiyo Diego Simeone maalmaha soo aadan.
Tababaraha reer Argentina ee soo kiciyay koox mudo jiiftay ayaa haatan doonaya badalka Diego Costa kaas oo la xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda maalmaha soo aadan madama Chelsea ay website-keeda ku shaacisay iney heshiis la gaartay Asal Brazilka qaatay dhalashada Spain.
Sidoo kale Atletico Madrid ayaa ku raad joogta Alvaro Negredo oo laga nacay Manchester City madama uu xidigaas ka hooseeyo Dzeko iyo Aguero oo ah laba xidig oo u shidan Manchester City.
Profile