Home » Maxaa Cusub » Ashley Cole Oo Maanta Tijaabo Caafimaad U Mari Doona Kooxda As Roma

Ashley Cole Oo Maanta Tijaabo Caafimaad U Mari Doona Kooxda As Roma


Ashley

Rug cadaagii hore kooxaha Arsenal & Chelsea Ashley Cole ayaa markaan soo tijaabinaya nolosha ka jirta horyaalka talyaaniga isagoo manta u duuli doona caasimada talyaaniga ee Roma wuxuuna heshiis laba sano ah qalinka ugu duugi doonaa kooxda As Roma.

33-jirkaan reer England ayaa si xor kaga soo tagay kooxda Chelsea madama uu dhamaaday qandaraaska uu kula jiray kooxda London ka dhisan.

Sida ay shaacisay Sky Sports Italia Ashley Cole ayaa diyaarsaday duulimaad maanta ah oo ku beegan  inuu Roma ka dagayo 12:00 Duhurnimo isagoo caafimaad mari doona marka uu ka dato Aiport-ka Fiumicino airport.

Sidoo kale Kooxda Giallarrossi ayaa xaqiijisay saxiixa kubad sameeyaha reer Turkey iyo kooxda Fenerbahce Salih Ucan kaas oo shalay Roma ka dagay. Si kastaba wakiilka Ashley Cole Jonathan Barnett ayaa BBC-da u sheegay in wax walba ay kala cadaan doonaan manta.

Ashley Cole ayaa sanadii qaadan doona 2.5 Malyan Oo Pound marka laga reebo canshuurta dalka.

“Wali wax la dhameeyay ma jiraan, kooxo badan ayaa doonaya Ashley balse haatan waxaan wadahadal la galnay maamulka As Roma” Ayuu yiri wakiilka Ashley Cole.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close