Home » Horyaalada » La liga » AS: Miranda Oo U Socda Manchester United & Barca OO Dalab ka Gudbisay Arda Turan

AS: Miranda Oo U Socda Manchester United & Barca OO Dalab ka Gudbisay Arda Turan


AS

WARGEYSKA AS: Wuxuu kasoo baxa Gobolka Catalan wuxuuna ka faalooda dhanka ciyaaraha


Joe Miranda ayaan xili ciyaareedka dambe kasii mid noqon doonin kooxda Atletico Madrid, madama xidigaan reer Brazil uu talaabo u qaaday dhanka Manchester United.

Miranda ayaa ka mid noqon doona qorshaha cusub ee Van Gaal xili ciyaareedka soo aadan ee 2014-2015, sidoo kalana Miranda ayaa haatan ku sugan England isagoo caruurtiisa halkaas uga raadinaya iskuul anfaci kara oo ay wax ku bartaan.

Inkastoo kooxda ay sameysay hoos u dhac baahsan isla markaana aysan ka qeyb gali doonin koobabka yurub hadana Miranda ayaa go’aansanaya inuu aado Manchester United waxaana Kooxda Old Trafford ku ciyaarta ay bixin doontaa lacagaha heshiiskiisa lagu jabinayo oo ah 30 Malyan sida ay shaacisay Jaririada kasoo baxda spain ee AS.

Sidoo kale Manchester United ayaa isha ku heysa xidigo kale oo daafac ah madama Ferdinand iyo Vidic ay kooxda ka huleeleen, Mangala, Gray & Koscielny ayaana ka mid ah.

Dhanka kale Barcelona ayaa u dalab ka gudbineysa kubad sameeyaha reer Turkey Arda Turan kaas oo kusoo baxay xidig la isku haleyn karo kadib markii uu qeyb libaax leh ka qaatay jabhadeyntii Diego Simeone ee xili ciyaareedkii dhaamaada.

Maareeyaha ciyaaraha ee Barcelona Zubizarreta ayaa doonaya inuu garoonka Camp Nou keeno Turan oo 46-kulan u saftay kooxdiisa isla markaana dhaliyay 9-gool dhamaan tartamada oo dhan.

Luis Enrique ayaana xushmeeya Turan, balse dalabyada Barcelona ayaa aad u fara badanaya inkastoo ay kusoo koobto badi hadal heyn oo kaliya (Ayuu AS kusoo afjaray qormadiisa maanta )

XIGASHO: AS

Miranda

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close