Kubad burburiyaha ahna goaldhaliyaha la celin la’yahay ee kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa dib u gocday go’aan uu qaatay laba sano ka hor inta uusan kusoo biirin kooxda Marwada Duqda ah ee Turin ka dhisan wuxuuna xidigaan heerka caalami ee Xulka Chile ku sugnaa Kooxda Bayern Leverkusen.
Vidal ayaa la filayaa in isbuuca soo aadan uu wadahadal heshiis kordhin ah la furo kooxdiisa Juve inkastoo uu sheegay in go’aankii uu ku diiday sanadkii 2011-ka inuu ku biiro Bayern uu ahaa go’aan sax ah.
“Kama Qoomameyn doono go’aankii aan ku diiday Bayern Munich, balse waxaan kalsooni ku qabaa in Juve ay sameyn doonto wixii ay sameysay Bayern oo ah ku guuleysiga Champions League”
ayuu xidigaan u sheegay La Gazzetta dello Sport.
“Waxaa Ku Biiray Koox Weyn, kana mid noqday naadi xoog badan oo is heysata, iyo macalin aan wax lagu tilmaamo jirin”
“Antonio Conte ayaa i gaarsiiyay qiimaha aan hada joogo, wuxuuna ii sheegay in kubada dhinacyo badan laga dheeli karo, sida aan hada sameeyo aniga” ayuu Vidal hadalkiisa ku daray.
26-jirkaan reer Chile ayaa hadalkiisa ku daray inuusan jirin go’aan uu ku riyoonayo inuu kaga tago kooxda Juventus isla markaana wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ku faraxsan yihiin Turin isla markaana Juve ay tahay Wadnihiisa.
“Waxaan helay dalabyo fara badan balse go’aanka qeyb ayey ka yihiin qoyskeyga waxeyna ku faraxsan yihiin halkaan” Ayuu Vidal mar kale yiri.
“Wiilkeyga iyo Xaaskeyga waxey ku faraxsan yihiin Turin, halkaana waxaan ku gaaray guul weyn 2-horyal ayaan ku qaaday, waxaana mar walba ku muujiyaa shabada igu dhagan in Juve ay tahay wadnaheyga”
Kubad burburiyahaan heerka caalami ee xulka Chile ayaa ka mid ah xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee ka xamaasha horyaalka talyaaniga xiligaan.