Ugu dambeyntii mashiinka kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa si rasmi ah kooxdiisa kaga dalbaday in aliin looga sameeyo dhanka jilibka madaama xidigan uu mudo bilooyin ah dhaawac dhibaateeyay ku cayaarayay inkastoo Vidal lagu rajo weynaa inuu xulkiisa Chile kala qayb qaato koobka aduunka kadib markaas qaliin lagu sameeyo hadana xidigan ayaa sheegay in haatan ay dhibaato ku noqotay inuu ordo xitaa marka uu garoonka ku jiro sidaa darteed kubad bur buriyahan waxaa qaliin lagu sameyn doonaa ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin sidaa darteed shaki weyn ayaa la galiyay in Vidal uu xagaagan kasoo muuqan doono cayaaraha aduunka marba hadii uu xiligan dalbaday in miiska la saaro.
Xiriirka kubada cagta dalka Chile ayaa dhaqaatiir usoo direen magaalada Turin si ay xaalada Vidal u qiimeeyaan waxayna garwaaqsadeen saraakiishan in xidigan uu xaaalad adag ku sugan yahay sidoo kalena u baahan yahay i qaliin dag dag ah lagu sameeyo, sida laga soo xigtay Sport Mediaset Vidal ayaa saaxiibadiisa kooxda Juventus u sheegay in maalinta Talaadada ah qaliin lagu sameyn doono, Vidal dhaawacan uu la ildaray mudo ayuu lasoo jiitamaayay balse wuxuu halis ku noqday oo jug culus soo gaartay 20-kii Bishii Maarso ee aan kasoo gudubnay kulan ay Juve la cayaartay naadiga Fiorentina tartanka Europa League, maadama haaan Juventus ku guuleesatay horyaalka Talyaaniga sidoo kalena ay ka hartay tartanka Europa League waxay kooxdan diyaar u tahay in xidigeeda ugu muhiimsan qaliin lagu sameeyo. Vidal ayaa xili cayaareedkan kooxdiisa Juventus u dhaliyay 18-gool dhamaan tartamada kala duwan.