Kooxda Gunners ayaa wajahi doonta Isniinta kooxda ay xifaaltamaan ee Blues kulan xiiso badan oo ka dhici doona garoonka Emirates waana kulankii 17-aad ee horyaalka Premier League xili ciyaaredkaan.
Arsenal ayaa ciyaari doonta iyadoo og halka ay joogto madama laga yaabo iney kasoo muuqato kaalinta 3-aad hadii kooxaha Man City & Liverpool ay guul gaaraan kulamadooda maanta ay ciyaari doonaan.
Arsene Wenger ayaana soo dhaweyn doona Lukas Podolski kulanka ay la ciyaari doonaan Chelsea kadib mudo sadex bilood ah oo uu garoomada ka maqnaa xidigaan reer Jarmal.
Lukas Podolski ayaa dhaawac kaga baxay kulan ay 27-August kooxdiisa la ciyaartay Fenerbahce kulan ka tirsanaa isreeb-reebka Champions League balse wuxuu dib u heli doonaa kulankiisii ugu horeeyay tan iyo markaas kulanka ay kooxdiisa kusoo dhaweyn doonto Chelsea garoonka Emirates.
Jack Wilshere & Koscielny ayaa seegi doona kulankaas kuwaas oo dhaawac iyo ganaax kaga maqanaan doona Arsenal.
Ugu dambeyntii Wenger ayaa looga fadhiyaa halka uu tiigsan doono iyadoo guldaro kasoo gaartay Chelse iyo Guulo ay gaaraan Liverpool & Man City ay ka ridi doonto kaalinta afaraad ee horyaalka.
Waxaa Aqrisay: (273)
Mogadishu - Somalia