Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay Inuu Burbur Ku Yimid Wadahadaladii Qandaraaska Loogu Kordhin Lahaa Bacary Sagna

Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay Inuu Burbur Ku Yimid Wadahadaladii Qandaraaska Loogu Kordhin Lahaa Bacary Sagna


Bacary-Sagna_GI_2815554b

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in daafaciisa garabka midig Bacary Sagna uu iska diiday dalabkii Arsenal heshiis cusub uga saxiixi laheed wuxuuna Wenger xusay in dhamaan dadaalkii la waday uu haatan bur buray wuxuuna Wenger yiri “Gabi ahaanba wada hadaladii aan Sagna kula jirnay hakad ayaa ku yimid sidaa darteed kubada gacanteena kua jirto asiga ayay ag taalaa waxaana sugeynaa xiliga uu dib noogu soo laabto balse haatan wax walbo gacanteena way ka baxeen!” Bacary Sagna qandaraaska uu Arsenal kula jiro wuxuu ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan sidaa darteed laga bilaabo horaanta June daafaca reer France kooxdii uu doono ayuu heshiis la gaari karaa madaama uu saluugsan yahay inuu Emirates baaqi kusii ahaado.

Bacary Sagna waxaa lala xariirinaa kooxda Inter Milan oo dhawaan usoo bandhigtay heshiis 3-sano ah iyo mushaar aad u wanaagsan waxaana xusid mudan in kooxda Inter Milan ay horey heshiis ula gaartay Namenja Vidic sidaa darteed Sagna waxaa loo badinaa inuu dalabka Inter Milan aqbali doono, sidoo kale daafacan waaya araga ah waxaa ku raad joogaan kooxaha Man United, Man City, PSG iyo Galatsaray waxaana haatan koox walbo dhiiri galin u noqon doono hadalka kasoo yeeray macalin Arsene Wenger oo si rasmi ah u sheegay in wada hadalkii Sagna qandaraaska looga kordhin lahaa uu gabi ahaanba bur buray.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close