Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay xaadir ku ahaan doonto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub ilaa daqiiqada ugu dambeysa.
Warbixino ka imaanaya ingiriiska ayaa sheegay in Arsenal ay suuqa ka raadineyso weeraryahan u badala Olivier Giroud oo in ka badan afar bilood garoomada ka maqnaan doona kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray lugta midig.
Si Kastaba Gunners waxaa lala xiriirinayaa xidigaha kala ah: Radamel Falcoa, Danny Welbeck kuwaas oo macquul ah iney kusoo biiraan garoonka Emirates ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Isniinta.
“Xaadir ayaan ahaan doonaa ilaa daqiiqada ugu dambeysa” Wenger ayaa yiri xili uu bixinayay wareysigii isbuuclaha, “Waan aragnay labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay, hadii ay jiraan xidigo na anfacana waan iibsan doonaa”
Suuqa kala iibsiga waxaa ka haray wax ka yar afar maalmood, iyadoo horay ay usoo iibsatay Sanchez, Debuchy, Ospina iyo Chambers, waxaana suuragal ah iney kusoo darto burburiye iyo weeraryahan.
Ugu dambeyntii hadalka kasoo yeeray Arsene Wenger ayaa farxad galiyay jamaahiirta kooxda kuwaas oo doonaya in kooxda ay xal u hesho dhibaatada weerar ee heysata.