Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo Ka Hadlay Hoos U Dhaca Man United, Eedeynta Ferguson & Waxa Laga Filan Karo United

Arsene Wenger Oo Ka Hadlay Hoos U Dhaca Man United, Eedeynta Ferguson & Waxa Laga Filan Karo United


 wenger540

Tababaraha kooxda Gunners Arsene Wenger ayaa difaacay mucaaradkisii ugu xumaa horyaalka Ingiriiska Sir Alex Ferguson, isagoo qiray in hoos u dhaca kooxda United ku yimid uusan masuul ka aheyn.

Kadib barbardhacii Burnley ee shalay, kooxda Red Devils ayaa heshay kaliya laba dhibcood sadexdii kulan ee horyaalka Ingiriiska ay ciyaartay, balse Wenger ayaa aaminsan in nasiibkooda uu isbadali doono.

“Hadii bilaabashada kooxda aysan si fiican ku bilaaban, ma ahan qalad uu sameeyay Ferguson” ayuu Wenger u sheegay Mirror.

“Aduunku waa tartan, waana sheeko isku taxan, marka aad ka tagto kooxda, waxaad u rajeyneysaa iney ku socoto sida ugu fiican uguna macquulsan, taasna wa mida uu Ferguson doonayo iney ahaato, Manchester United haatan waxey horyaalka ku bilaabatay si xun weyna soo rogaal celin doontaa” Ayuu yiri Arsene Wenger.

“Marka aad fiiriso magacyada [xidigaha] ay heystaan, waa kuwo awood ku leh Premier League, balse anigu kama walwal qabo wax badan, dhibaato badan oo nagu filan ayey horay noogu geysteen”

Arsenal ayaa maanta wajahi doonta kooxda heerka labaad kasoo dalacday ee Leicester City, kulankeedii sadexaad ee horyaalka iyadoo haatan leh 4 dhibcood.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close