Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo Doonaya Laba Ciyaariyahan Oo Faransiis Ah

Arsene Wenger Oo Doonaya Laba Ciyaariyahan Oo Faransiis Ah


Clement Grenier (LYON)


Arsenal ayaa ku warantay iney ceyrsaneyso laba xidig oo u dhashay dalka faransiiska kuwaas oo la aaminsan yahay iney qeyb weyn ka qaadan karaan dagaalka Gunners ay dooneyso iney qaado xili ciyaareedka soo aadan.

Jariiradda Faransiiska kasoo baxda L’Equipe ayaa shaaca aka qaaday in Arsene Wenger uu doonayo saxiixa xidigaha Clement Grenier oo ka tirsan Lyon iyo Morgan Schneiderlin oo ka tirsan Southampton.

Morgan Schneiderlin ayaa xulka faransiiska ka badalay Grenier kaas oo dhaawac uu soo gaaray kulamadii saaxiibtinimo oo ay ciyaareen ka hor koobka Aduunka.

Morgan Schneiderlin (Southampton)

Grenier waa 23-jir ka tirsan Lyon wuxuuna bishii January ee sanadkaan diiday inuu 13 Malyan ugu biiro Newcastle United, 6-gool ayuuna u dhaliyay kooxdiisa isagoo ka caawiyay iney soo istaagto kaalinta 3-aad ee horyaalka PSG & Monaco ayaana ka hormaray.

19-kii May Morgan Schneiderlin ayaa markii ugu horeysay looga wacay xulka Faransiiska isagoo nasiib u yeeshay inuu Brazil u duulo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close