Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo Doonaya Inuu Calum Chambers Ku Xoojiyo Khadka Dhexe Kooxda

Arsene Wenger Oo Doonaya Inuu Calum Chambers Ku Xoojiyo Khadka Dhexe Kooxda


Chambers

Tababare Arsene Wenger ayaa aaminsan in saxiixiisa cusub Calum Chambers uu ciyaari karo khadka dhexe kooxda xili ciyaareedka bilaaban doona.

19-jirkaan aad xariifka ugu ah ka ciyaarida daafaca dhexe iyo daafaca midig ayaa sidoo kale la ogaaday inuu awood u leeyahay inuu noqon karo kubad joojiye wuxuuna Gunners kusoo galay aduun dhan 16 Malyan Oo Pound dhamaadkii July.

Si Kastaba Wenger ayaa tilmaamay in Chambers uu isku muujiyay kulamadii ay kooxdu la ciyaartay Benfica iyo Monaco ee ka tirsanaa koobka Emirates wuxuuna u guurin doonaa booska dhexe .

“Waa mid ka mid ah xidigaha sida wacan u ciyaaray labadii kulan ee ugu dambeysay” ayuu Wenger ku waramay.

“Waa 19-jir, wuxuuna halkaan yimid hadal la’aan, wuxuu ciyaaray laba kulan oo wanagsan, wuxuuna si tayo wanagsan leh ku wajahay dhigiisa, markii ugu horeysay oo uu xirtay maaliyada Gunners isagoo da’yar”

“Si wacan ayuu u ciyaari karaa khadka dhexe, sababtoo ah waa farsamiiste wacan, waana xidig dheereya, waqti xaadirkaan waxaan baadi goobayaa halka uu ciyaari lahaa, balse waxaan garwaaqsaday inuu ciyaari karo khadka dhexe”

Ugu dambeyntii Chambers ayaa ka mid ah tiro wiilal ah ku cusub Gunners waxaana ku wehliya Sanchez, Debuchy & Ospina.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close