Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa isbabardhigay Mesut Ozil iyo halyeeygii hore kooxaha Real Madrid, Juventus & Xulka France Zinadine Zidane.
Mesut Ozil ayaa ah saxiixa ugu qaalisan ee uu sameeyay Wenger balse xidigaan reer Jarmal ayaa kooxda ka caawiyay iney hogaanka u heyso 21-kulan oo ay ciyaarta horyaalka Premier League.
Si Kastaba Wenger ayaa aaminsan in Mesut Ozil uu la mid yahay Zinadine Zidane kaas oo ah halyeey aan marnaba laga hilmaami doonin saaxada kubada cagta.
25-jirkaan reer Jarmal ayaa kasoo muuqday xiligaan 24-kulan wuxuuna shabaqa soo taabtay shan jeer, isagoo caawiyay 9-gool.
“Waa xidig lagu amaani karo xirfadiisa, waayo wuxuu qeyb weyn ku leeyahay hormarka kooxda ee xili ciyaareedkaan”
“Ma ahan wax fudud in lagula barbardhigo Zidane balse Mesut waa mudan yahay” ayuu yiri Wenger mar kale.
“Waad u hadli kartaa si qof u hadlo balse wey adag tahay inaad u ciyaarto si qof u ciyaaro waana wax lag amaano in Mesut Ozil uu muteysto amaan ah inuu la mid yahay Zidane”
Zidane ayaa loo aaminan yahay inuu yahay boqorka kubada cagta dalka Faransiiska isla markaana uu ahaa kubad sameeye aan marnaba la joojin karin waana macalinka labaad ee kooxda taasoo haatanba qaar ka mid ah xidigaha kooxda ay wali u heystaan Zidane inuu ciyaaro karo kadib markii uu ku kululeystay tababarka.
Waxaa Aqrisay: (281)
Mogadishu - Somalia