Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger “Ma Ila Aragteen Sida Uu Olivier Giroud U Wanaagsanaaday!”…

Arsene Wenger “Ma Ila Aragteen Sida Uu Olivier Giroud U Wanaagsanaaday!”…


Arsen Wenger

Macalin Arsene Wenger oo aan looga baranin inuu amaano weeraryahankiisa Olivier Giroud ayaa ka dhawaajiyay in haatan uu noqday xidigan sidii uu ka rabay madaama uu xili cayaareedkan kusoo baxay gool dhaliyaha kowaad oo ay Arsenal isku haleyso sidaa darteed Wenger ayaa aaminsan in Giroud uu hormar balaaran sameeyay wuxuuna yiri “waa wax lagu faano in Giroud uu hormar aan caadi ahayn sameynaayo kaliya xili cayaareedkii labaad ayaa u socdo oo uu Arsenal ka mid yahay hadana wuxuu kusoo baxay gool dhaliyaha kowaad ee kooxda goolal ka sugto sidaa darteed aadbakn ugu faraxsanahay saameynta balaaran ee uu kooxdeyda ku yeeshay”

Macalin Wenger ayaa aaminsan in 26-jirkan uu ka mid noqon doono weeraryahanadii ugu wanaagsanaa ee taariikh ahaan Arsenal soo maray hadii uu sidan kusii socdo wuxuuna yiri “Oliver waxqabadkiisa maalin walbo sare ayuu u socdaa sidaa darteed maxaa diidayo inuu Emirates ka noqdo halyee laga sheekeeyo waayo dhamaan weeraryahanadii horey noo soo mareen markii ay mudo nala joogeen ayay kooxda la qabsan jireen balse Olivier wuu ka duwan yahay” xidigan ayaa kooxdiisa Arsenal goolal u dhaliyay dhamaan 4-kulan oo ay cayaartay Premiership-ka sidoo kalena maalinta axada ayaa laga filan doonaa inuu gool dhalintiisa sii wado madaama Arsenal martigalin doonto naadiga Stoke City.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close