Tababare Arsene Wenger ayaa walaac xoogan ka qaba in qabsoomida koobka Aduunka bilaha June iyo July ay fursad weyn u heli waayaan iney soo iibsadaan xidigo fara badan marka ay wadamada kasoo laabtaan koobka Aduunka wuxuuna intaas ku daray iney sameyn doonaan kaliya 2 ama 3 saxiix.
Arsenal ayaa ku dhaw iney xaqiiqsato booskeeda Champions League todobaadkaan marka ay wajahaan West Brom axad balse Wenger ayaa doonaya inuu kaliya kusoo daro kooxdiisa tiro yar.
“Waa inaad sugto ilaa 15-ka July kaliya wax ka yar bil ayaana ka hari doona suuqa xiritaankiisa fursadna looma heli karo in xidigo badna lasoo iibsado”
“Waa xaqiiqo inaad ka warsugto dhamaadka koobka waayo waxaa dhici kara dhacdo adiga xanuun kugu ah, ama waxaad arki kartaa xidig ku haboon kooxdaada” Ayuu Wenger yiri.
Si Kastaba Wenger ayaa indhaha ku haya Mario Mandzukic oo xulkiisa Croatia u matali dona koobka aduunka kaas oo ka tirsan Bayern Munich.
Sidoo kale Bacary Sagna, Lukasz Fabianski iyo Nicklas Bendtner ayaa la filayaa iney kooxda ka tagaan madama qandaraaskoodu dhacay. balse Veramalean ayaa baaqi sii ahaan doona.
Dhanka kale Wenger ayaa xaqiijiyay in Lukas Podolski uusan iib aheyn isla markaana ay kooxda u baahan tahay inkastoo ay Inter MIlan iyo kooxdiisii hore ee Cologne ay lasoo xiriireen.
0