Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay damacsaneed iney soo afjarto abaarta koob la’aan ee ka heysata horyaalka Ingiiriska balse wuxuu qiray in dhaawacyada ciyaartoyda muhiimka ah ee koxda soo gaaray ay ka hor istaagtay in kooxda ay u tartanto horyaalka.
Gunners ayaa kaalin libaax leh kasoo qaadatay horyaalka xili ciyaaredkaan iyadoo hogaanka Horyaalka heysay ilaa bishii March ee sanadkaan balse dhaawacyo soo gaaray: Mesut Ozil, Jack Wilshere, Aaron Ramsey iyo Theo Walcott ayaa ka diida kooxda London ka dhisan iney awood u yeelato iney ku adkeysato booskeeda.
“Ma doonayo inaan wax badan ka hadlo arinta Aaron Ramsey, balse waxaan luminay sidoo kale tiro xidigo ah oo muhiim ah waxaana heysanay fursad fiican oo aan ku muujin karno awodeena” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta.
“Waxaan jeclaan lahaa inuu xili ciyaareedka dheeraado, waxaan aheyn hogaamiyayaasha, balse luminta ciyaartoy badan ayaa noo diiday dhibco muhiim noo ahaaa”
Iskaba daa tartan Horyaale Arsenal ayaa haatan u dagaalameysa booska Afaraad iyadoo ka cabsi qabta iney weyso kasoo qeyb galka Champions League waxaana kooxda London ka dhisan ay haatan kaliya u baahan tahay sadex dhibcood si ay u xaqiiqsato booskeeda afaraad.