Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenegr ayaa aaminsan in Jose Mourinho iyo Branden Rodgers aysan u qalmin iney ku guuleystaan macalinka ugu wanaagsan Premier League xili ciyaareedkaan inkastoo labada tababare ay kooxahooda geeyeen meesha ugu sareysa horyaalka.
Metro ayaa ku warantay in Wenger uu daneynayo in abaalmarintaan loo magacaabo macalin aan kooxdiisa horyaalka u qaadin, taasoo taariikh noqon doonta wuxuuna abaalmarintaan la jeclaaday midkood labada tababare ee Steve Bruce iyo Tonny Pullis kuwaas oo leyliya kooxaa Hull City iyo Crystal Palace.
Macalinkaan reer France ayaa yiri: “Macalimiinta ku guuleysata Premier League kaliya maahan, balse waxaan aaminsanahay in la abaalmarin doono tababaraha qabtay shaqada ugu wanaagsan xiligaan una qabtay kooxdiisa. sida ugu fudud waxaa mar walba la doortaa kan ku guuleysta Horyaalka, balse lama fiiriyo tababaryaasha qabtay howsha aysan qaban karin kuwa loo magacaabay sida Steve Bruce iyo Tonny Pullis kuwaas oo kooxahooda ka badbaadiyay heerarka hoose”
Steve Bruce ayaa kooxdiisa Hull City keenay Finalka FA Cupka iyagoo la balansan bisha soo aadan kooxda Arsenal halka Tonny Pulis oo xilkaan ka badalay Ian Hooloway uu qabtay shaqo fiican madama kooxda ay joogta heerarka hoose.
Si Kastaba Wenger ayaa shaaciyay in Rodgers iyo Mourinho aysan xiligaan u qalmin in loo magacaao macalinka sanadka isla markaana laga mudan yahay.