Home » Horyaalada » Bundesliga » Arsenal Oo Walaac Xoogan Dareentay Kadib Markii Lagu Wargaliyay In Man City Ay La Saxiixan Rabto Marco Reus

Arsenal Oo Walaac Xoogan Dareentay Kadib Markii Lagu Wargaliyay In Man City Ay La Saxiixan Rabto Marco Reus


Reus

Inkastoo uu haatan suuqa Yurub xiran yahay hadana macalin Arsene Wenger wuxuu marhore calaameestay weeraryahanka xulka Jarmalka Marco Reus oo uu doonayo inuu lasoo saxiixdo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado balse haatan Wenger aqbaar aan wanagsaneyn ayaa dhagtiisa kusoo dhacday madaama loo sheegay in kooxda Man City ay isku diyaarineyso soo xero galinta Reus oo ka tirsan Dortmund.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in Man City oo xagaagan suuqa Yurub ka gaabiay inay sanadka dambe lacago xoog leh suuqa Yurub ka faraqi doonto waxayna ahmiyada kowaad siin doontaa sidii ay kula soo saxiixan laheed Reus oo haatan diiday inuu kooxdiisa Dortmund qandaraas cusub u saxiixo waxaana sanadka dambe lagu qaadan karaa 20-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ayArsenal horey u balan qaaday inay bixin doonto balse haatan Man City ayaa ayaa sheegtay inay 30-milyan oo pound dhigeeda Dortmund ku wareejin doonto waxayna City dooneysaa inay si cad kaga adkaato kooxda Arsenal waana mida walaaca xoogan ku abuurtay macalin Wenger oo saluugan siyaasada waalida ah oo ay Man City adeegsaneyso.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close