Inkastoo macalin Arsene Wenger uu dalka Brazil ku sugan yahay sidoo kalena koobka aduunka ku mashquulsan yahay hadana saraakiisha uu suuqa Yurub u xil saaray ayaa si wanaagsan u shaqeeyeen madaama dabyaaqada todobaadkan kooxda Arsenal soo bandhigi doono sedex cayaaryahan oo ay lasoo saxiixatay, waxaana soo bandhigida xidigahan lagu soo beegay maalinta ay Arsenal sida rasmi ah uu suuq geyn doonto maaliyadeeda cusub ee shirkada Puma sameesay.
Sidaa darteed maamulka shirkada Puma ayaa qorshahan wax ka wataan waxayna doonayaan in xidigaha cusub ee Arsenal kusoo biirayaan lagu xayeysiiyo funaanada cusub si lacago looga helo, hadaba waa kuma sedex xidig ee dabyaaqada todobaadkan garoonka Emirates lagu soo bandhigi doono?
Xidiga ugu horeeyo ooa ay Arsenal lasoo saxiixan doonto maal maha nagu soo fool leh aya lagu sheegay inuu yahay daafaca xulka France iyo naadiga New Castle Matthieu Debuchy waxayna Gunners-ka ku qaadan doontaa £10m.
Sidoo kale xidiga xiga ayaa noqon doono weeraryahanka xulka France iyo naadiga QPR Loic Remy xidigan ayaa Emirates ku imaan doono £9m, ugu dambeyntii laaciba magaca weyn Alexis Sanhchez oo ay dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan isku heestaan ayay Arsenal lasoo saxiixan doontaa waxaana lagu qiimeeyay £35m.
Qorshaha Arsenal wuxuu yahay 10-ka bishan oo ku beegan Khamiista nagu soo fool leh inay si rasmi ah usoo bandhigto sedex laacib oo xiran maaliyada cusub ee Puma waxayna Arsenal dooneysaa taageerayaasha ay caalamka ku leedahay inay kaga farxiso soo xero galinta sedexdan xidigan oo wax weyn kusoo kordhin karaan garoonka Emirates.
Profile