Sida uu sheegay wargeska Daily Express kooxda Arsenal ayaa isku diyaarineyso inay lasoo saxiixato horaanta sanadka cusub daafaca xulka Greece iyo naadiga Schalke Kyriakos Papadopoulos, xidigan dhalinta yar balse ah daafac awood badan ayaa xagaagan ku fashilmay inuu Premiership-ka usoo guuro kadib Liverpool OO ku guul dareesatay saxiixiisa balse haatan rajo wanaagsan ayuu ka qabaa inuu Arsenal kusoo biiro madaama kooxda Gunnners-ka ka dhawaajisay inay bixin doonto lacagaha Schalke xidigan ku dooneyso waxana kooxda reer Jarmal ku dooneysaa daafacan £11m.
Macalin Arsene Wenger ayaa qaati ka taagan qaladaadka badan ee uu xili cayaareedkan galaayo Laurent Koscielny oo 4-kulan oo ay Arsenal cayaartay Premiership-ka labo rigoore kooxda ku keenay sidoo kalena Thomas Varmealen isagana hoos u dhac iyo dhaawacyo ayaa ragaadiyeen sidaa darteed Kyriakos Papadopoulos oo 20-jir ah ayuu labadan xidig ka doorbidi doonaa madaama daafac ayuu awood badan yahay kuna fiican yahay qaabka looga difaac galo madaxa iyo lugta,
Sidoo kale xidigan dhalinta kooxaha Man United, AC Milan iyo PSG ayaa dabagal ku hayaan balse macalin Arsene Wenger ayaa aaminsan inaysan qofna ka xadi karin xidigan madaama uu dhigiisa Schalke u sheegay inuu bixin doono £11m oo ay ku dooneyso marka uu suuqa Yurub dib u furmo bisha Janaayo.