Naadiga Gunners-ka oo dadaal xoogan ugu jirto sidii ay xidigo tayo wanaagsan ula soo saxiixan laheed ayaa shaaca ka qaaday inay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay kula soo saxiixan laheed xidig dhalinta yar ee kooxda Napoli ka tirsan Lorenzo Insigne, madaama xidigan uu ka mid yahay laacibiinta loo xushay koobka aduunka inay xulka Italy u matalaan waxay Arsenal u diri doontaa dalka Brazil saraakiil qiimeyn gaar ah ku sameyso hormarkiisa cayaareed hadii Insigne uu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigo inta uu koobka aduunka socdo waxay Arsenal sheegtay inay wiilkan kula soo saxiixan doonto £17m.
Inkastoo 23-jirkan uu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan koxda Napoli hadana naadiga reer Talyaani diyaar ayay u tahay inay aqbasho dalabka wanaagan ee Arsenal kasoo yeeray sidaa darteed macalin Arsene Wenger ayaa si gaar ah ugu kuur gali doono xaalada xidigan kadibna xagaagan ayuu kusoo biirin doonaa garoonka Emirates, wargeska The Metro ayaa xaqiijiyay qorshaha ay Insigne Arsenal ku dooneyso inay kusoo xero galiso sidoo kale macalinka kooxda Napoli Rafeal Benitez ayaa dhawaan sheegay inuusan hubin in xidigan ka cayaaro weerarka iyo labada garbood ee khadka dhexe inuu kooxdiisa baaqi kusii ahaan dono madaama ay kooxo badan oo reer Yurub ah saxiixiisa ku raad joogaan.