Madaama kabtan Thomas Vermaelen uu go’aansaday inuu Arsenal isaga tago sidoo kale la xaqiijiyay in daafacan waaya araga ah uu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Man United waxaan idiin heynaa 6-daafac oo ay Arsenal haatan ka calaameesatay tartanka koobka aduunka waxayna dooneysaa inay midkood lasoo saxiixato si midkood uu booska Thomas Vermaelen u buuxiyo.
Weliba waxaa naga xasuusin ah in tababare Arsene Wenger uu haatan dalka Brazilku sugan yahay sidaa darteed macalinka reer France 6-daafac ee Arsenal u calaameesan inay midkood lasoo saxiixato asiga ayaa ugu dambeyntii ka talo bixin doono waxayna xidigahaas kala yihiin:
Jan Vertonghen (Belgium/Tottenham): waxaa lagu qiimeyaa £20m
Dejan Lovren (Croatia/Southampton): waxaa lagu qiimeyaa £12m
Toby Alderweireld (Belgium/Atletico Madrid): waxaa lagu qiimeeyaa £14m
Eliaquim Mangala (France/FC Porto): waxa lagu qiimeeyaa £36.5m
Gabriel Paletta (Italy/Parma) waxaa lagu qiimeeyaa £10m
Benedikt Howedes (Germany/Schalke): waxaa lagu qiimeeyaa £15m